4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2013
Ciidamada Kenya oo duleedka Magaalada Mombasa ku toogtay wadaaad ay ku eedeeyeen inuu xiriir la lahaa Al-shabaab

Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Ciidamada la-dagaalanka argagaxisada dalka Kenya ayaa maanta oo Isniin ah ku toogtay deegaan lagu magacaabo Kisauni oo ku yaalla duleedka magaalada xeebta leh ee Mombasa, waxaana iska hor-imaad dhexmaray ninkaas iyo booliiska ku dhaawacmay lab aka mid ah ciidamada Kenya.

Ruuxa la toogtay oo lagu magacaabo Khaalid Axmed ayay booliiska Kenya ku eedeeyeen inuu tababari jiray xubno ka tirsan Al-shabaab uuna dhallinta Kenya u qori Al-shabaab is ay ugu dagaalamaan.

“Ciidamada booliiska Kenay ayaa ku daba-jiray Khaalid Axmed tan iyo markii uu shalay oo Axad ahayd kasoo ambabaxay Nairobi uuna soo gaaray Mombasa oo maanta lagu dilay,” ayuu yiri taliyaha booliiska Mombasa, Boniface Mwaniki.

Toogashadan ayaa timid kadib markii ciidamada Kenya ay u dhaceen guri uu ku jiray ninkan, iyadoo uu dhacay iska-horimaad sababay in Khaalid uu ku dhintay ayna si xun ugu dhaawacmaan laba ka tirsan ciidamada Kenya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ruuxa la dilay uu ciidamada kusoo tuuray bam kuwa gacanta ah, taasna ay keentay in ciidanka ay dhaawacyo soo gaaraan, Khaalidna la dilay.

Saraakiisha booliiska Kenya ayaa sheegay in ruuxa ay toogteen uu ahaa mid ay muddo ku daba-jireen uuna dhowr jeer tagay Soomaaliya, iyadoo guriga uu ninkaas deggenaa ay sheegeen saraakiisha booliiska in laga helay hub isugu jira, bambooyinka gacanta, bastoolad iyo rasaas fara badan.

Ma jirto cid kale oo ka hadashay dilka ruuxan lagu sheegay inuu Al-shabaab ka tirsanaa, balse tan iyo sannadii 2011 waxaa soo kordhayay walaaca ay dowladd Kenya ka qabto kooxaha argagaxisada ah.

Kenya waxaa gudaha Soomaaliya kaga sugan kumannaan askari oo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo dagaal kula jira xoogagga Al-shabaab oo weli ka taliya qaybo badan oo Koonfurta Soomaaliya ka tirsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya