4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2013
Maamulka Gobolka Banaadir oo Tababar ku saabsan ilaailnta Hantida dadka kusoo gabagabeeyay Muqdisho (SAWIRRO)


Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa Muqdisho ugu soo gabagabeeyay tababar xubno laga soo xulay degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Wardhiigley iyo Yaaqshiid, kuwaasoo loo tababaray sidii ay u ilaalin lahaayeen hantida dadweynaha oo ay ka mid yihiin nalalka qoraxda ku shaqeeya oo dhawaan la suray jidka 30-ka ee Muqdisho.

Tababarkan oo muddo saddex maalmood ah ka socday xarunta hay’adda CRD ee Muqdisho ayaa waxay dadkan ku qaateen casharro la xiriira sida ay u shaqeeyaan nalalka soollarka ku shaqeeya, iyadoo uu tababarka soo xiray guddoomiye ku xigeenk gobolka Banaadir, Imaan Nuur Iikar.

Agaasimaha CRD, Jabriil Ibraahim C/lle oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dadkan la baray habka ay u shaqeeyaan nalalka iyo macluumaad kale oo la xiriira sidii ay shacabka uga dhaadhicin lahaayeen in nalalka ay yihiin hanti ay iyagu leeyihiin oo ay ilaashadaan.

Guddoomiyaha maamulka degmooyinka ee gobolka Banaadir oo isaguna ka hadlay xiritaanka tababarka ayaa sheegay inay dadkan kasoo xuleen afar degmo ayna u soo xusheen inay yihiin kuwo dadka kale gaarsiin kara inay ilaashadaan hantidooda.

Imaan Nuur Iikar oo soo xiray tababarka ayaa dardaaran aad u dheer siiyay dadkii la tababaray isagoo sheegay inay maanta ku hayaan in nalalkan iyo mashaariic kale oo socota ay yihiin kuwo ay caalamku ugu deeqeen Somalia.

“Magaaladan innaga ayaa iska leh, gacmaheenna ayaan ku burburinnay, mar haddii dunidu ay diyaar u tahay inay dib u dhis noogu sameyso, waa inaan ka ilaashanno kuwa doonaya inay burburiyaan,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay in maamulka gobolka uu dadaal u galay sidii uu dunida u weydiisan lahaa in dib loo dhiso Muqdisho taasna ay ku guuleysteen.

“Caalamka markaan u tagno ma weydiisanno lacag ee waxaan weydiisannaa in dib u dhis lagu sameeyo Muqdisho, waayo waxaan ogaannay in nalalka ay nacfi weyn u leeyihiin bulshada,” ayuu hadalkiis ku daray.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay inay soo socdaan mashaariic fara badan oo la doonayo in dalka laga fuliyo, kuwaasoo ay lagu sameynayo canshuur dad kale laga soo qaaday, waxaana dalalka fulinaya ka mid ah Mareykanka iyo Turkiga.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya