4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 26, 2013
Wasiirradii Xukuumadda Soomaaliya ee Shalay Baaqday oo Maanta Gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose

Axad, May 26, 2013 (HOL) — Wasiirradii xukuumadda Soomaaliya ee shalay ka baaqday safar ay ku tegi lahaayeen Magaalada Kismaayo ayaa maanta gaaray halkaas, iyadoo ay garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyeen xubno ka tirsan dowladda oo ku sugnaa Kismaayo.

Wafdigan oo ka kooban saddex wasiir ayaa waxaa hoggaaminayay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa waxaa ka mid ah wasiirka warfaafinta, boostada iyo gaadiidka, C/llaahi Ciilmooge Xirsi iyo wasiirka garsoorka iyo cadaaladda, C/llaahi Abyan Nuur.

Xubnahan wasiirrada ayaa waxay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kulan kula leeyihiin saraakiisha ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Kenya iyo xubno ka tirsan maamulka Sheekh Axmed Madoobe.

“Safarkeennu waa mid xaqiiqo raadin ah oo aan ugu kuurgalayno sidii aan wax badan uga ogaan lahayn xaaladda ka jirta magaalada,” ayuu yiri HOL u sheegay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Fiqi intii uusan ka dhoofin magaalada Muqdisho.

Lama oga inta casho ee ay ku sugnaan doonaan wasiirrada magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale safarkooda ku wehliya saraakiil ciidan iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan.

Wasiirradan ayaa uga baaqday safarkii ay shalay ku tegi lahaayeen Kismaayo buuq ka dhashay booqashadooda, waxaase ay uu suurogashay inay gaaraan magaaladaas maanta oo Axad ah.

Socdaalka wasiirradan ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maanta uu ka dhacay magaalada Kismaayo bannaanbax looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya.

Maamulka uu hoggaaminayo Axmed Madoobe ee Jubaland ayaa shir ay shalay ku yeesheen Kismaayo waxay ku cambaareeyeen siyaasadda dowladda ee ku wajahan gobollada Jubbooyinka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya