4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 26, 2013
Dood Cilmiyeed ku Saabsan Ammaanka Soomaaliya oo ka dhacay Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir (SAWIRRO)


Axad, May 26, 2013 (HOL) — Degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta ka dhacay kulan ay soo qabanqaabisay Hay'adda CCD oo looga hadlayay nabadda Soomaaliya, waxaana kulankaasi kasoo qyb-galay madax ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyaha Heliwaa iyo dhallinyaro tiradoodu ka badan tahay 100-qof oo isugu jira rag iyo haween.

Guddoomiyaha degmada Heliwaa, Cumar Cabdulle Axmed (Cumar Jacfaan) oo furitaankii kulanka ka jeediyay khudbad ayaa kula dardaarmay dhamaan dhallinyarada degmadaas inay waxyaabaha doodad kasoo baxa ay u sii gudbiyaan bulshada ay la nool yihiin, wuxuuna ku boorriyay dhallinyarada inay horseed u noqdaan soo celinta nabadda Somalia, gaar ahaan degmada Heliwaa.

"Nabadda degmada Heliwaa waxaa kaalin muuqata ka qaatay gabdhaha, mana garanayo waxa ku dhacay raga," ayuu yiri Cumar Jacfaan oo intaa ku daray in looga baahan yahay rag iyo dumar ay inay xoojiyaan nabadda guud ee degmada.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga ee maamulka gobolka Banaadir, Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo khudbad u jeedinayay dhallinyaradii kulanka ka qaybgalayay ka ayaa ugu baaqay inay la dagaalamaan kuwa yar ee doonaya inay kharibaad sameeyaan, wuxuuna xusay in degmadu ay tahay mid ay ka muuqato nabad.

Sidoo kale, afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf oo isna ka hadlay kulank ayaa sheegay in dhallinyaradu ay yihiin kuwii berri dalkan xukumi lahaa, sidaas darteedna looga baahan yahay inay muujiyaan isku xirnaan, ayna had iyo goor su'aalo ka weydiiyaan maamulka degmada waxyaabihii lasoo qabtay iyo waxyaabaha aan la qaban.

Dhinaca kale, waxaa kulanka khudbado kala duwan ka jeediyay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, kuwaasoo xusaay in kulammada noocaan ah ay muhiimad gaar ah u leeyihiin dhallinyarada ku dhaqan degmooyinka gobolka oo dhan.

Ugu dambeyn, waxaa hadlay guddoomiyaha dhallinyarada degmooyinka gobolka Banaadir isagoo hoosta ka xariiqay in kulammada oo kale ay wax weyn ka bedeli karana xalaadda ammaan ee gobolka iyo dalka oo dhan, isagoo u mahadceliyay hay’adda CCD oo kulankan soo abaabushay.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya