3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 26, 2013
Kooxo Hubeysan oo Soohdinta Soomaaliya iyo Kenya ku Dilay Shan ruux iyo Al-shabaab oo sheegatay Weerarkaas

Axad, May 26, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ku dilay shan qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo ka tirsan booliiska dalka Kenay, sida ay maanta oo Axad ah sheegeen xubno ka tirsan booliiska Kenya.

Dhimashadan ayaa timid kaddib markii dabley aan la garanayn ay xalay weerareen booliis ku sugnaa deegaanada Dhamaajale oo ku dhow deegaanka Libooyo ee dalka Kenya, iyagoo dilay laba sarkaal iyo saddex qof oo shacab ah oo uu ku jiray wiil 15-jir ah.

“Waxaa lagu dilay weerarkaas shan qof,” ayuu yiri taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, Charlton Mureithi oo la hadlay AFP, isagoo ku daray hadalkiis. “Waxaan heegan gelinnay ciidamada ku sugan xududdda si ammaanka loo adkeeyo.

Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkaas, ayna fuliyeen koox yar oo dagaalyahannadooda ka tirsan, iyagoo xusay inay afduub kusoo qabsadeen laba qof oo Kenyan ah, ayna hub fara badan kusoo furteen.

"Koox ka tirsan dagaalyahannadeenna ayaa fuliyay weerarkaas, waxayna weerareen goobo ay ku sugnaayeen ciidammada Kenya, waxaana afduub kusoo qabsannay laba ruux oo Kenyan ah," ayay Al-shabaab ku sheegtay barta Twitter-ka ee ay isticmaasho.

Sidoo kale, Al-shabaab waxay sheegtay in weerarkaas ay ku dishay laba sarkaal oo Kenyan ah iyo afar qof oo shacab ah, balse ma sheegin khasaaraha iyaga kasoo gaaray dagaalka ay la galeen ciidamada Kenya.

Al-shabaab ayaa horay u haysatay laba qof ee Kenyan ah, kuwaasoo ay kusoo qabsatay weerar ay sannadkii hore ku qaadeen meel ku dhow degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya, kuwaasoo aan la ogeyn halka ay ku dambeeyaan.

Tan iyo markii ay ciidamada Kenay soo galeen gudaha Soomaaliya Oktoobar 2011 waxaa gudaha dalka Kenya ka dhacayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo hubeysan oo la garanayn, inkastoo saraakiisha Kenya ay weerarradaas ku eedeeyeen Al-shabaab.

Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxay qayb ka yihiin howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo ku sugan qaybo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose oo ay ku jirto magaalada Kismaayo.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo xalay uu dagaal culus ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab ay ku dagaalameen deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/26/2013 8:16 PM EST
Wariye Ibraahim Cumar Baafo ayaa wareysi la yeeshay Sheekh Axmed Madoobe, Madaxweynaha Jubalanda ee dhawaan lagu doortay magaalada Kismayo.

5/26/2013 11:03 AM EST
Axad, May 26, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka hadlay maanta mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka, isagoo sheegay in loo marayo qodobbo ay horay dowladdu u dejisay.

5/26/2013 9:53 AM EST
Axad, May 26, 2013 (HOL) — Wasiirradii xukuumadda Soomaaliya ee shalay ka baaqday safar ay ku tegi lahaayeen Magaalada Kismaayo ayaa maanta gaaray halkaas, iyadoo ay garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyeen xubno ka tirsan dowladda oo ku sugnaa Kismaayo.

5/26/2013 9:28 AM EST
Axad, May 26, 2013 (HOL) — Kulan ay isugu yimaadeen wax-garadka kasoo jeeda gobollada Jubbooyinka, haweenka, culumada iyo dhallinyarada laguna taageerayay go’aannadii kasoo baxay shirkii IGAD ee maamul u sameynta Jubbooyinka ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

5/26/2013 8:52 AM EST
Axad, May 26, 2013 (HOL) — Degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta ka dhacay kulan ay soo qabanqaabisay Hay'adda CCD oo looga hadlayay nabadda Soomaaliya, waxaana kulankaasi kasoo qyb-galay madax ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyaha Heliwaa iyo dhallinyaro tiradoodu ka badan tahay 100-qof oo isugu jira rag iyo haween.

5/26/2013 6:26 AM EST
Axad, 26 May, 2013(HOL) :- Waxaa maanta magaalada Kismaayo ka dhacay dibad bax ballaaran oo looga soo horjeedo madaxweeynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud iyo weliba qodobadii kasoo baxa shirkii madaxda urur goboleedka IGAD ay ku yeesheen magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya.

5/26/2013 3:32 AM EST
Axad, May 26, 2012(HOL) :- Dagaal culus ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Dhamaajaaleey oo ku yaal gudaha xadka ay Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, waxaana dagaalkaasi uu u dhexeeya xoogagga Al-shabaab iyo cutubyo ka tirsan ciidamada Kenya oo ku sugnaa deegaankaasi.

5/26/2013 3:11 AM EST
Axad, May 26, 2013 (HOL) — Ciidamada booliiska Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa nabadsugidda iyo booliiska AMISOM ayaa howlgallo dad badan lagu qabqabtay ka sameeyay shalay xaafadda Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir.