4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2013
Dadweyne careysan oo albaabbada u laabay xafiiskii ururka HORSEED ee degmada Isku-Shuban ee Gobolka Bari


Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Dadweyne careysan ayaa albaabada isugu dhuftay xafiis uu dhowaan urur siyaasadeedka HORSEED ee uu hoggaamiyo madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ka furtay degmada qadiimiga ah ee Isku-Shuban oo ka tirsan gobolka Bari.

Xafiiska ururka HORSEED ee degmada Isku-Shuban ayaa waxaa xarigga ka jaray wefdi uu horkacayey wasiirka amniga Puntland Kol. Khaliif Ciise Mudan oo todobaadkii hore socdaal shaqo degmadaas ku tegey.

Is-soo-bax muddo kooban socdey oo ay dhigeen dadweynaha ku dhaqan degmada Isku-Shuban ayaa waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada sida: waxgaradka, haweenka iyo ururada dhalinyada.

Dibadbaxayaasha ayaa xoog ku galay xarunta cusub ee xafiiska ururka HORSEED, waxayna burburiyeen boorarkii iyo calaamidihii kale ee muujinayey in goobtaasi ay tahay xafiiska urur-siyaasadeedka HORSEED.

Intaas kaddib waxaa warbaahinta la hadlay qaar kamid ah dadkii muddaaharaadkaas kasoo qayb galay, waxayna ka warbixyeen ujeedada ay isugu soo baxeen.

Maxamad Xirsi Maxamad oo ka tirsan cuqaasha degmada Isku-Shuban, ayaa isaga oo ay hadalkiisa caro ka muuqatey sheegay in aysan marna ogolaan doonin in degmadooda – oo sida uu tilmaamay- horay loo illaawey in marka ay doorashadu soo dhowaato xafiis siyaasadeed laga furto.

Isagoo taas ka hadlaya wuxuu yiri: ''...Isku-Shuban horay ayaa loo ilaawey, wax adeeg ah dowladdu kama bixiso, mashaariicda degmooyinka kale helaanna waxba kama soo gaaraan...urur-siyaasadeed ma aqoonsanin, Horseedna ma naqaan...''

Iyadoo ay muddo koobani ka harsan xilliga la shaaciyey in doorashada goleyaasha deegaanku ay ka qabsoomto deegaanada Puntland, ayaa waxaa soo badanaya tirada degmooyinka diidey in ururada siyaasaddu ay xafiisyo ka furtaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya