4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2013
Ardeyda Jaamacadda Muqdisho Laanteeda Boosaaso oo Maanta u Fariistay Imtixaankii Simisterka Labaad (SAWIRRO)


Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Ardeyda wax ka barata Jaamacadda Muqdisho –laanteeda Boosaaso- ayaa maanta u fariistay imtixaankii simisterka 2-aad ee sanad dugsiyeedka 2012-2013.

Ardeyda imtixaanka u fariistay oo ay tiradoodu kor u dhaafeyso 800, ayaa dhigta kulliyado ay kamid yihiin: maamulka iyo dhaqaalaha, shareecada iyo qaanuunka, cilmiga bulshada, kumbuyuutarka, caafimaadka guud iyo waxbarashada.

Gudoomiya xafiiska maamulka ee jaamacadda Muqdisho –laanteeda Boosaaso- Prof. Aadam Xerow, oo isagu imtixaanka si rasmi ah u daahfuray ayaa ardeyda ilaah uga baryey in dadaalkii ay muddada dheer soo wadeen uu ku guuleeyo.

Wuxuuna intaas raaciyey in jaamacaddu ay intii awoodeeda ay ku dadaali doonto sidii ay kor ugu qaadi lahayd aqoonta ardeyda, ardaydana laga rabo in kaalintooda ay kasoo dhalaalaan.

Ugu danbeyntii wuxuu Prof. Xerow sheegay, in jaamacaddu ay qorsheynayso sanadka soo socdo in qaybo cusub ay kusoo kordhiso jaamacadda, islamarkaana ay dhowaan bilaabi doonto daraasaadka sare.

Jaamacada Muqdisho oo ah tan ugu weyn dalka, islamarkaana shahaadadeeda laga aqoonsan yahay in ka badan 50-dal, waxaa laanteeda magaalada Boosaaso la furay sanadkii 2008, waxaana sanadka ka qalin jebineysa dufcaddii labaad.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya