4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2013
Roob dabeylo wata oo khasaare maaliyadeed geystey oo ka da'ay degmada Xingalool oo ka tirsan Gobolka Sanaag

Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Roob geystey khasaare maaliyadeed oo badan ayaa xalay ka da’ay degmada Xingalool ee gobolka Sanaag. Roobka oo watey dabeylo aad u xooggan ayaa muddo saacad ka badan ka da’ayey degmada Xingalool iyo deegaanada miyiga ah ee ku hareeraysan.

Dabeysha roobka ayaa waxyeelo soo gaarsiiyey tobannaan guri iyo weliba xarumo ay ka mid yihiin goobihii waxbarashada iyo Isbitaalkii guud ee degmada, sida uu HOL u sheegay mid kamid ah odayaasha degmada Xingalool oo aan khadka telefoonka kula xiriirnay.

Sidoo kale waxay dhaawacyo fududi soo gaareen dhowr qof, kaddib markii ay haleeleen jiingadihii (Tirniigii) ay dabeyshu ka qaaday guryaha, inkasata oo ay dhaawacyada dadkaas gaarey ahaayeen kuwo sahlan.

Qaybaha ugu daran magaalada Xingalool ee uu roobku sameeyey ayaa waxaa kamid ah xaafadda (xerta timo-weynta) iyo weliba xaafadaha ay dadka danyarta ahi degen yihiin.

Weli ma jiro wax gurmad ah oo ay dowladda Puntland gaarsiisiyey degmadaas, haseyeeshee qaar kamid ah ururada maxalliga ah ee ka howlgala degmada ayaa isu xilsaaray sidii ay usoo qiimeyn lahaayeen baaxadda khasaaraha.

Roobabka guga ayaa si fiican uga da’ay inta badan gobollada Puntland, waana markii ugu horeysey muddo sanado ah ee uu roob noocan oo kale ahi ka da’o degmada Xingalool ee gobolka Sanaag.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya