4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2013
Bam lagu weeraray ciidamada Itoobiya iyo ciidammo Milateriga Soomaaliya ka tirsan oo gaaray Magaalada Baydhabo

Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Bam-gacmeed ayaa maanta lagu weeraray gaari ay wateen ciidamada Itoobiya oo marayay bartamaha magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, kaasoo sababay dhimashada hal qof iyo dhaawac soo gaaray 14-ruux oo kale.

Weerarkan oo aan la ogeyn cid ka dambeysa ayaa wuxuu ka dhacay suuqa weyn ee magaalada Baydhabo, xilli uu gaariga ay wateen ciidamada Itoobiya marayay boosteejada Shabeelow, lamina sheegin khasaare kasoo gaartay ciidamadii Itoobiya ee la beegsanayay.

Dhaawacyadii ka dhashay weerarkan bambaano ayaa la dhigay isbitalka guud ee magaalada Baydhabo, iyadoo uu halkaas ku booqday guddoomiyaha gobolka Bay, Cabdi Aadan Hoosow oo ay wehliyaan xubno maamulkiisa ka tirsan.

Dhanka kale, magaalada Baydhabo waxaa soo gaarey ciidamo uu horkacayo taliyaha qaybta 60-aad ee ciidamada xooga dalka, Jen. Ibraahim Yarow kuwaasoo wata gaadiidka dagaalka iyo saanad ciidan.

Ciidamadan ayaa waxaa magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan kuwa gobolka Bay, iyadoo magaalada lagu arkayo ciidammo cusub oo wata dharka milateriga oo gaaf-wareegaya waddooyinka Baydhabo.

Hiiraan Online, Baydhabo