4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2013
Ururka Saxaafadda Somaliland oo ka Hadlay Xeer Anshax Marin ah oo ay la Saxiixdeen Xukuumadda Somaliland

Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa sheegay in aanay ku dhaqmi doonin xeer ay sheegeen inay xukuumaddu wadato oo ururo ay la bahwadaag tahay  kala saxeexdeen.

Golaha sare ee ururka oo shirjaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay in aanay waxba ka ogeyn, isla markaana lagala tashan xeerkaasi ay kala saxeexdeen xukuumadda iyo ururo kale, sidaa darteedna aanay u hogaansamayn ku dhaqanka xeerkaasi anshaxa ah ee xukuumaddu wadato.

“Waxaanu doonaynaynay in aanu halkan kaga hadalno xeer la sheegay In uu yahay ka anshaxa, kaas oo siminaar arbacadii aqoon korodhsi lagu qabtay hoteel Ambasaddor ay ku kala saxeexdeen dawladda iyo xubno saxafiyiin ah oo ka socday warbaahinta ay xukunto dawladu”ayuu yidhi gudoomiyaha ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo ka hadlayey xeerkaasi anshaxa ah iyo sida uu u arko, waxaanu intaas ku daray “Waxa aan halkan ka cadaynayaa in ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja oo metela saxaafadda Somaliland aanu waxba ka ogeyn, waxaanan halkan idiin sheegayaa in xeerkaasi haddii uu shaqaynayo iyo haddii kaleba aanu ahayn mid anaga na qabanayo”.

“Annaga nalagama talo gelin, nalooma soo sheegin, maanaan saxeexin, manaan ogeyn markaa sidaas darteed sabab uu noo qabtaana meesha ma taalo, warbaahinta sida wargeysyadda iyo telefishanadda intooda badani waxa ay na soo weydiiyeen bal waxa aanu ka ognahay xeerkaas, anaga oo ah ururka Suxufiyiinta ee SOLJA ayaanba waxba ka ogeyn”ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Mar ka hadlayey cida uu qaban doono xeerkaasi iyo sida aanay uga war hayn wuxuu yidhi “Waxa aan cadaynayaa hadii aanu nahay ururka suxufiyiinta Somaliland in aanu xeerkaasi ahayn mid noo yaala cida lagu dhaqayaana aanay anaga ahayn, laakiin masuuliyiintii dawladda ee meesha ka hadlayay iyaga ayaa garanaya cida uu xeerkaasi qabanayo ee lagu hogaaminaayo”

Sidoo kale gudoomiyaha SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf waxa uu ka hadlay dhacdadii wargeysak Hubaal habeenimada lagu weeray, isagoo sheegay inay ka soo wareegtay sodan cisho ilaa hadana aan waxba laga qaban.

Si kastaba ha ahaatee, laba cisho ka hor ayaa wasaaradda warfaafinta iyo xubno saxafiyiin ahi kala saxeexdeen xeer la sheegay inuu yahay mid anshax saxaafada ah oo lagu dhiqi dono saxaafada, taas oo ka cadhaysiiyey inta badan wariyeyaasha maadaama oo aanay jirin cid lagala tashaday xeerkaasi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland