4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2013
Madaxweynaha Kenya oo shaaciyay in dalkiisu uu ka Taageerayo Dowladda Soomaaliya dhismaha Maamullada Jubbooyinka

Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa Addis Ababa ka sheegay in dowladdiisu ay ka taageerayso dowladda Soomaaliya qorshaha maamullo u sameynta gobollada Jubbooyinka, isagoo sidoo kale sheegay in ciidamadiisa ku sugan Kismaayo ay qayb ka qaadan doonaan dib dajinta Soomaaliya.

Uhuru oo ka hadlayay shirkii madaxda IGAD ee xalay kusoo gabagaboobay Addis Ababa ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda ka jirto dowlad rasmi ah oo aan ahayn KMG, sidaa daraadeedna ay tahay in dalalka gobolka iyo kuwa IGAD ay dowladda Soomaaliya howlaha ay kawaddo gudaha dalka.

“Waxaan la dhacsanahay howsha ay dowladda Soomaaliya ka waddo gudaha iyo dibadda dalka, kuwaasoo ay ugu adeegayso shacabka Soomaaliyeed, waxaana rajeynayaa in la arko Soomaaliya oo dib cagaheeda ugu istaagta,” ayuu yiri Kenyatta.

Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay ciidamada Kenya ee ka mid ah AMISOM oo ku sugan Jubbada Hoose ayuu sheegay in howshoodu ay tahay sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dib u soo celinta amniga Soomaaliya.

“Ciidamada Kenya waxay qayb ka yihiin howgalka Midowga Afrika ee lagu xasilinayo Soomaaliya, doorkooduna waa inay ka caawiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay dib ugu soo ceshan lahaayeen nabadooda,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalka madaxweynaha Kenya ayaa wuxuu qayb ka ahaa hadallo ay shirkii madaxda IGAD ay xalay kusoo gabgabeeyeen magaalada Addis Ababa kaas oo qodobbadii kasoo baxay ay ka mid ahaayeen in la tixgeliyo dastuurka Soomaaliya, laguna taageero dowladda Soomaaliya qabashada kulan lagu doonayo in maamul KMG ah loogu sameeyo gobollada Jubbooyinka oo uu ka taagan yahay muran xooggan oo dhinaca maamulka ah.

Madaxda dalalka IGAD ayaa sheegay in qodobbadii kasoo baxay shirkii lagu qabtay Kismaayo ay yihiin kuwo aan waafaqsanayn dastuurka dalka ayna diyaar u yihiin inay dowladda Soomaaliya ka taageeraan dhismaha maamullo ay yeeshaan gobollada Jubbooyinka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya