4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2013
Hay'adda SYPD oo deeq xoolo ah ka qaybisay deegaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Sabti, May 25, 2013 (HOL) —  Gargaar laga caawinayo dadkii ku xoolo beelay abaartii ku dhuftay qeybo  ka tirsan gobolka Hiiraan sanadkii 2011 ayaa waxaa deegaanno hoos-taga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ka fulisay hay'adda Sustianable Developent Peapce Building Intiative oo loosoo gaabiyo  SYPD.

Sida uu HOL u sheegay  C/nuur Ibraahim Farey oo madaxa SYPD mashuurcan lagu caawinayo dadka dadka xoolaha dhaqatada ah ayaa waxaa maal-gallisay hay'adda NMFA, iyadoo fulintiisana ay iska kaashadeen labada hay'addood ee kala ah SYDP iyo NRC.

Qoysaska ku dhaqan ilaa sideed tuulo oo ka tirsan degmada Matabaan ee gobollka Hiiraan ayaa loo qeybiyay ilaa 1800 oo neef, iyadoo qoys walba uu qeyb ahaan u hellay 10 neef oo isugu jiray Labad iyo Dhidig.

''Ma'aha markii ugu horeysay oo mashuurcan lagu kaalmeynayo dadkii ku xoolaha beellay abaarta aan ka fullino gobollka Hiiraan, deegaannada aan hadda gaarsiinay, waxaa is leenahay waa meelihii ugu darnaa oo ay abaartu siweyn u saameysay, waxaan fillayaa in dib u soo gabasho wanaagsan u noqon doonto qoysaska deeqda ka faa'ideystay,'' ayuu yiri C/nuur Ibraahi, Farey.

Deegaannada deeqda la gaarsiiyay ayaa kala ahaa Naba-yooley, Gaaroole, Xodale, Xawaadley, Bacda yar, Bacda weyn, Buundo-madow iyo Surtaag, oo ka mid ah deegaannadii ay sida xun u saameysay abaartii ugu danbeysay ee ku dhuftay deegaanno ka tirsan gobollka Hiiraan.

Mas'uuliyiinta maamulka degmada Matabaan oo goob joog u ahaa qeybta xoolaha ayaa siweyn uga mahad celiyay hay'addaha howshan fuliyay kaalamada ay soo gaarsiiyeen dadka ku dhaqan deegaannada hoos taga degmada oo intooda badan nolashoodu ku tiirsan tahay dhaqashada xoolaha.

''Runtii waa deeq aad u qiimo badan, waayo dadkan waxey u baahnaayeen gargaar ay dib u kabasho ah, xoolahan hadda loo qeybiyayna waxaan isleenahay bilow fiican ayeey u noqon doontaa nolashoodii xoola dhaqashada, maamulka degmadana siweyn ayuu arinta uga mahad celinayaa,'' ayuu yiri Max'uud Xassan Cali guddoomiyaha degmada Matabaan.

Qoysaskii deeqda ka faa'ideystay oo qaarkood la hadllay HOL ayaa sheegay in marnaba aysan fileynin ay hellaan gaargaar noocan oo kale ah, iyaga oo sheegay in ay aad uga mahad celiyanayaan, kaalamada ay gaarsiiyeen hay'addaha SYDP iyo NRC.

''Anniga waxaan qeyb u hellay 10 neef oo isugu jira Lab iyo Dhidig, waxaan is leeyahay nolashada wax weyn ayeey ka tiri doonaan, waayo  markii horeba xoola dhaqato ayaan iska aheyn,'' ayeey tiri mid ka mid ah haweenkii nasiibka u yeeshay in ay ka faa'ideysto mashruucan.

Si kasta ha ahaateen, qoysas badan oo xoolo dhaqato ah ayaa abaartii ugu danbeysay ee ku dhuftay gobollka Hiiraan waxaa ay ka dhigtay kuwo gacmo maran kadib markii ay dhaafeen xoolihii ay dhaqanayeen, waxaana ay talaabadan laga gargaaray dadkaasi noqoneysaa mid wax weyn ka tari karta dib u bilaabista nolashii ku dhisneyd xoola dhaqashada.






C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya