4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2013
Shir ka Dhacay Kismaayo oo Lagu Cambaareeyay Siyaasadda Dowladda ee Jubbooyinka iyo Xildhibaanno loo digay (SAWIRRO)


Sabti, 25 May, 2013(HOL) :- Shir maanta ka dhacay xarunta Jaamacadda Kismaayo islamarkaasina ay kasoo qeybgaleen qaar kamid ah ergadii ka qeybqaadatay shirkii maamul u sameynta Jubooyinka, masuuliyiin ka tirsan maamulkii KMG ahaa ee Kismaayo, siyaasiyiin iyo waxgarad kale ayaa dowladda Soomaaliya loogu baaqay in ay faraha kala baxdo arimaha Jubooyinka islamarkaasina ay sida ugu dhaqsaha badan dib ugu celiso saraakiisha iyo gudiga ay magaalada usoo dirtay.

Macalim Max’ed oo ah gudoomiye ku xigeenka ururka Raaskaambooni islamarkaasina ahaa gudoomiyihii gudigii qabanqaabada shirkii lagu soo doortay Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan jirin wax gacan ah oo ay siisay ciidamada ku sugan Jubooyinka oo uu xusay in ay halgan dheer usoo galeen sidii Al-shabaab looga saari lahaa qeybo ka tirsan Jubooyinka.

Masuulkan ayaa ku eedeeyay madaxda ugu sareeysa ee dowladda Soomaaliya in ay magaalada Kismaayo usoo direen xubno ka tirsan dowladda si buu yiri ay ukala laaluushan beelaha wada dega Jubooyinka, wuxuuna sidoo kale xusay in xubnahaasi gudaha magaalada ay ka bilaabeen abaabul ciidan taasoo uu sheegay in la doonayo in la isaga horkeeno beelaha dega Jubooyinka.

“Anaga qabiil waan ka gudubnay, Jubbaland baan nahay, halkan baan mudada faraha badan fadhinnay, maslaxad iyo nabadgelyo inaan helno baan rabnay, anagoo ogol in ay na xukumaan niman aan waxba naga soo gaareeyn, laakiin waxay u egtahay in ay na xukumaan ma rabaan in ay na dilaan bay rabaan, kana yeeli meeyno, in ay mustaqbalkayaga dumiyaan bay rabaan kamana yeeleeyno,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisii ku daray,” Xoog wax nagu xukumi kara ma jiro, shalay waxaan lahayn dowladanadii, hadana waxaan leenahay dowaldda, berito haday sidaan wax ka badali waayaan luuqad kale ayaan ku hadleeynaa,” waxa uuna hanjabaad u diray xildhibaanada ku sugan Kismaayo oo uu ku eedeeyay in ay yihiin qaswadeyaal.



Gudigii 16-ka xubnood ahaa ee ay dowladda Soomaaliya usoo dirtay arimaha Jubooyinka ayaa waxay ay imika ku suganyihiin Hotel Cascaseey ee magaalada Kismaayo, waxaana saraakiisha ciidamada Kenya ee ilaalada ka hayay Hotelka ay ku wargeliyeen wafdiga in aysan sugi karin ammaankooda, waxaana ammaanka xildhibaanada imika sugayo qaar ka tirsan ciidamad dowladda ee hore ugu sugnaa Kismaayo.

Suldaan C/casiis Afgaduud oo ka mid ah salaadiinta kasoo jeeda Puntland, oo isna goobta ka hadlay ayaa si kulul ugu cambaareeyay madaxda dowladda Soomaaliya in ay kasoo horjeedaan rabitaanka shacabka dega Jubooyinka, wuxuuna ugu baaqay shacabka reer Jubbaland in aysan waxba ka sugin madaxdaas oo ay tashadaan.

Suldaanka ayaa sidoo kale sheegay in dowlad goboleedka Puntland ay taageero Hiil iyo Hooba la garab taaganyihiin maamulka goboleedka Jubbaland gaar ahaan garabka uu madaxweeynaha ka yahay Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

Sidoo kale munaasibadda waxaa ka hadlay Ugaasyo, Nabadoonno iyo haween ka tirsan ergadii ka qeybqaadatay shirkii lagu soo doortay Sheekh Axmed Madoobe, waxayna dhamaantoodba si isku mid ah u cambaareeyeen dowladda Soomaaliya, iyagoona sidoo kale muujiyay taageeradooda ku aadan maamulka Jubbaland garabka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

Ugu danbeyn waxaa halkaasi ka hadlay afhayeenka maamulkii KMG ahaa ee Jubooyinka C/naasir Seeraar Maax oo isna ku eedeeyay madaxweeynaha Soomaaliya in uu dagaal culus kula jiro shacabka Jubooyinka, isagoona sheegay in madaxweeynuhu uusan dooneyn in jubooyinka ay ka hanaqaado dowlad goboleedka ay raali ka yihiin dadka reer Jubbaland.

“Madaxweynaha maamulka Xamar Xasan Sheekh Max’uud baa wuxuu isku dayay si dadban iyo si toos ah in uu noola diriro, wuxuu sameeyay been abuur xaga saxaafadda ah, waxaa la adeegsaday dowladihii aduunka iyo caalamka oo dhan baa been loo sheegay, waxaa la cambaareeyay dowladda Kenya oo kamid ahayd howlgalkii AMISOM ee halkan lagu xoreeyay,” ayuu hadalkiisii raaciyay isagoona sheegay in ay iska dhicin doonaan ciday doonto ha noqotee cid walba oo ka hor timaada maamulka Jubbaland.

Dhawaan ayaa magaalada Kismaayo waxa soo gaaray guddi ka kooban 16- xubnood oo ay dowladda Soomaaliya u xilsaartay arimaha Jubooyinka, waxaana sidoo kale maalinimadii shalay garoonka diyaaradaha Kismaayo kasoo dagtay diyaarad siday saraakiil sare oo ka socda dowladda Soomaaliya kuwaasoo ka yimid dhanka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.





Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya