4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2013
Ciidamada Dowldda Somalia iyo Booliiska AMISOM oo Howgallo baaritaanno ah kawada Buulo-xuubeey iyo Jidad Muhiim ah


Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Ciidamada booliiska iyo nabadsugidda Soomaaliya iyo booliiska AMISOM ayaa howgallo baaritaanno ah kawada saakay xaafadda Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir iyo jidka weyn ee Maka Al-Mukarama; iyadoo la joojiyay gaadiidkii mari jiray waddaadaas oo ah midda ugu mashquulka badan Muqdisho.

Howlgalladan ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwo lagu sugayo ammaanka iyadoo ciidamadu ay baaritaanno ku sameynayeen dadweynaha jidadka xiran mraya, kuwaasoo isugu jira arday, shaqaale dowladeed iyo dad kale oo xoogsato ah.

Gaadiidka dadweynaha ayaa loo diiday inay maraan jidadka xiran ee ay ka socdaan baaritaannada ay sameynayaan ciidamada isbahaysanaya, iyadoo la arkayay dadweyne badan oo waddooyinkaas lug ku maraya.

“Ciidamada dowladda iyo booliiska AMISOM waxay howlgallo kawadaan xaafadda Buulo-xuubeey oo ka tirsan degmada Wadajir, cid walba oo ay arkaan way qabanayaan dhallinyaro iyo waayeel,” ayay tiri Shukri Cumar oo ka mid ah dadka ku nool Buulo-xuubeey.

Tan iyo toddobaadkii hore ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxay ka wadeen Muqdisho howlgallo baaritaanno ah oo ku raadinayaan xubno ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo ku sugna magaalada Muqdisho.

Afhyeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo maalmo ka hor shir jaraa’id ku qabtay xarunta AMISOM ee Xalane ayaa sheegay in howgalladan ay yihiin kuwo lagu sugayo ammaanka caasimadda loogana hortagayo falal amniga ka dhan ah oo ay Al-shabaab ka geysato Muqdisho.

“Guri-guri ayaan u baaraynaa Muqdisho ma joogsan doonaan howlgalladan inta laga xaqiijinayo nabadgalyada,” ayuu yiri Col. Xumad oo sheegay in Al-shabaab ay soo dhexgaleen dadka si ay dhibaatooyin uga geystaan caasimadda.

Howlgallada maanta ka socda Muqdisho ayaa waxay noqonayaan kuwii ugu cuslaa ee ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ka fuliyaan magaalada Muqdisho tan iyo toddobaadkii lasoo dhaafay oo howgalladan ay billowdeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya