3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2013
Ciidamada Dowldda Somalia iyo Booliiska AMISOM oo Howgallo baaritaanno ah kawada Buulo-xuubeey iyo Jidad Muhiim ah


Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Ciidamada booliiska iyo nabadsugidda Soomaaliya iyo booliiska AMISOM ayaa howgallo baaritaanno ah kawada saakay xaafadda Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir iyo jidka weyn ee Maka Al-Mukarama; iyadoo la joojiyay gaadiidkii mari jiray waddaadaas oo ah midda ugu mashquulka badan Muqdisho.

Howlgalladan ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwo lagu sugayo ammaanka iyadoo ciidamadu ay baaritaanno ku sameynayeen dadweynaha jidadka xiran mraya, kuwaasoo isugu jira arday, shaqaale dowladeed iyo dad kale oo xoogsato ah.

Gaadiidka dadweynaha ayaa loo diiday inay maraan jidadka xiran ee ay ka socdaan baaritaannada ay sameynayaan ciidamada isbahaysanaya, iyadoo la arkayay dadweyne badan oo waddooyinkaas lug ku maraya.

“Ciidamada dowladda iyo booliiska AMISOM waxay howlgallo kawadaan xaafadda Buulo-xuubeey oo ka tirsan degmada Wadajir, cid walba oo ay arkaan way qabanayaan dhallinyaro iyo waayeel,” ayay tiri Shukri Cumar oo ka mid ah dadka ku nool Buulo-xuubeey.

Tan iyo toddobaadkii hore ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxay ka wadeen Muqdisho howlgallo baaritaanno ah oo ku raadinayaan xubno ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo ku sugna magaalada Muqdisho.

Afhyeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo maalmo ka hor shir jaraa’id ku qabtay xarunta AMISOM ee Xalane ayaa sheegay in howgalladan ay yihiin kuwo lagu sugayo ammaanka caasimadda loogana hortagayo falal amniga ka dhan ah oo ay Al-shabaab ka geysato Muqdisho.

“Guri-guri ayaan u baaraynaa Muqdisho ma joogsan doonaan howlgalladan inta laga xaqiijinayo nabadgalyada,” ayuu yiri Col. Xumad oo sheegay in Al-shabaab ay soo dhexgaleen dadka si ay dhibaatooyin uga geystaan caasimadda.

Howlgallada maanta ka socda Muqdisho ayaa waxay noqonayaan kuwii ugu cuslaa ee ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ka fuliyaan magaalada Muqdisho tan iyo toddobaadkii lasoo dhaafay oo howgalladan ay billowdeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/25/2013 3:13 PM EST
Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Dadweyne careysan ayaa albaabada isugu dhuftay xafiis uu dhowaan urur siyaasadeedka HORSEED ee uu hoggaamiyo madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ka furtay degmada qadiimiga ah ee Isku-Shuban oo ka tirsan gobolka Bari.

5/25/2013 3:04 PM EST
Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Munaasabad xariga looga jarayay hay’ad samafal oo lagu magcaabo Hormuud Foundation ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, taasoo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu sarreysa shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

5/25/2013 2:16 PM EST
Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Waxaa maanta ka furmay xarunta jaamacadda SIMAD ee Muqdisho bandhig socon doono muddo toddobaad ah kaasoo looga dan leeyahay noolaynta iyo kor u qaadista dhaqanka suuban ee Soomaliya. Bandhigan ayaa loogu magacdaray todobaadka dhaqanka (Caltural Week), iyadoo sanad walba ay sidan oo kale Jaamacaddu u qabato bandhiggan.

5/25/2013 2:15 PM EST
Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Ardeyda wax ka barata Jaamacadda Muqdisho –laanteeda Boosaaso- ayaa maanta u fariistay imtixaankii simisterka 2-aad ee sanad dugsiyeedka 2012-2013.

5/25/2013 1:23 PM EST
Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Ururka horumarinta haweenka ee IIDA ayaa maanta ugu dabaal-dagtay Muqdisho dagtay sannaguuradii 22-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay, iyadoo munaasabadda ay kasoo qayb-galeen xubno ka tirsan ururrada bulshada rayidka ah iyo dadweyne kale.

5/25/2013 12:27 PM EST
Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Ardeyda ka baxaysa fasalka afraad ee dugsiga sare iyo dugsiga dhexe ee deegaanada Puntland, kuwaasoo ay sanadkan tiradoodu tahay 8,515 ayaa saaka u fariistay imtixaanaadka shahaadiga ah ee 190 iskuul.

5/25/2013 12:24 PM EST
Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Roob geystey khasaare maaliyadeed oo badan ayaa xalay ka da’ay degmada Xingalool ee gobolka Sanaag. Roobka oo watey dabeylo aad u xooggan ayaa muddo saacad ka badan ka da’ayey degmada Xingalool iyo deegaanada miyiga ah ee ku hareeraysan.

5/25/2013 12:17 PM EST
Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Bam-gacmeed ayaa maanta lagu weeraray gaari ay wateen ciidamada Itoobiya oo marayay bartamaha magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, kaasoo sababay dhimashada hal qof iyo dhaawac soo gaaray 14-ruux oo kale.

5/25/2013 11:34 AM EST
Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka gaashaandhigga Somalia, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ay ka mid yihiin: wasiirka warfaafinta, C/llaahi Ciilmooge Xirsi iyo wasiirka cadaaladda, C/llaahi Ayan Nuur ayaa ka baaqday safar ay maanta ku tegi lahaayeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaddib buuq ka dhashay tegistooda Kismaayo.

5/25/2013 11:13 AM EST
Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Tababar lagu kobcinayo aqoonta shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay xarunta hay’adda CRD ee magaalada Muqdisho, kaasoo saddex maalmood socon doona, sida uu sheegay agaasimaha CRD, Jabriil Ibraahim Cabdulle.

5/25/2013 8:42 AM EST
Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa sheegay in aanay ku dhaqmi doonin xeer ay sheegeen inay xukuumaddu wadato oo ururo ay la bahwadaag tahay kala saxeexdeen.

5/25/2013 8:05 AM EST
Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa Addis Ababa ka sheegay in dowladdiisu ay ka taageerayso dowladda Soomaaliya qorshaha maamullo u sameynta gobollada Jubbooyinka, isagoo sidoo kale sheegay in ciidamadiisa ku sugan Kismaayo ay qayb ka qaadan doonaan dib dajinta Soomaaliya.

5/25/2013 8:01 AM EST
Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Gargaar laga caawinayo dadkii ku xoolo beelay abaartii ku dhuftay qeybo ka tirsan gobolka Hiiraan sanadkii 2011 ayaa waxaa deegaanno hoos-taga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ka fulisay hay'adda Sustianable Developent Peapce Building Intiative oo loosoo gaabiyo SYPD.

5/25/2013 7:28 AM EST
Sabti, 25 May, 2013(HOL) :- Shir maanta ka dhacay xarunta Jaamacadda Kismaayo islamarkaasina ay kasoo qeybgaleen qaar kamid ah ergadii ka qeybqaadatay shirkii maamul u sameynta Jubooyinka, masuuliyiin ka tirsan maamulkii KMG ahaa ee Kismaayo, siyaasiyiin iyo waxgarad kale ayaa dowladda Soomaaliya loogu baaqay in ay faraha kala baxdo arimaha Jubooyinka islamarkaasina ay sida ugu dhaqsaha badan dib ugu celiso saraakiisha iyo gudiga ay magaalada usoo dirtay.

5/25/2013 1:05 AM EST
Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Madaxda dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo shir socday illaa xalay ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa isku raaceen in dowladda Soomaaliya ay Muqdisho ku qabato shir maamul KMG ah loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka.