4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2013
Madaxda Dalalka IGAD oo isku raacay in Muqdisho lagu Qabto shir Maamullo KMG ah loogu dhisayo Jubbooyinka (SAWIRRO)


Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Madaxda dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo shir socday illaa xalay ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa isku raaceen in dowladda Soomaaliya ay Muqdisho ku qabato shir maamul KMG ah loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka.

Go’aanka madaxda IGAD ayaa ka dhashay warbixin ay u gudbiyeen wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD oo kulan ka horreeyay midka madaxda ururka ku yeeshay Addis Ababa, waxaana tallaabaan ay meesha ka saarysaa dhismaha maamulka Jubaland oo madaxweynaha loogu doortay Sheekh Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo iyaguna ismagacaabay.

“Waxaan isku raacnay in dowladda federaalka Soomaaliya ay Muqdisho ku qabato shir Qaran oo dib u heshiisiin ah oo ay kasoo  qeybgalaan dadka ku nool Jubbooyinka si loo sameeyo maamul KMG ah oo ka shaqeeya sidii loo dhisi lahaa dowlad-goboleed waafaqsan dastuurka dalka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed kasoo baxay shirkii madaxda IGAD ee Addis Ababa.

Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya ug qaybglay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo khudbad uu shirka ka jeediyay ku sheegay in guddigii IGAD ee loo dirtay xal u helidda Kismaayo ay wax badan uga qabsoomeen howshii loo xilsaaray.

“Waxaan soo dhaewynayaa go’aankii IGAD ee 03-dii May, guddigii IGAD ee booqday Muqdisho iyo Kismayo, waxay keeneen warbixin dhameystiran. Dowladda federaalka Soomaaliyana waxay diyaar u tahay inay xal waara u hesho arrimaha Kismaayo,” ayuu yiri madaxweynaha Sooomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegy inay habboonaan lahayd in dadkii waday shirka Kismaayo ay markii hore maqlaan baaqyadii is-daba-joogga ahaa ee loo jeedinayay oo ahaa in shirkaas uu noqdo mid dastuurka dalka waafaqsan, isla markaana ay dowladdu hoggaanka u qabato shirkaas ayna ka qaybqaataan Soomaalida ku nool Jubbooyinka oo dhan.

Ugu dambeyn, madaxda IGAD waxay walaac ka muujiyeen xaaladda Kismaayo iyagoo ugu baaqay dadka ku nool magaaladaas inay ilaaliyaan xasilloonida, kana fogaadaan wax walba oo keeni kara colaad hor leh oo billaabata degmadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya