4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2013
Ciidamada Booliiska Magaalada Laascaanood oo xabsiga dhigay Haween ku sugnaa guri ku yaalla Bartamaha Degmadaas

Jimco, May 24, 2013 (HOL) — Ciidanka booliska magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xabsiga u taxaabay dad haween u badan oo ku sugnaa guri ku yaalla bartamaha magaaladaas. 

Dadkan ayaa la sheegay inay wadeen bandhig ay taageero ugu muujinayaan maamulka laga dhisay magaalada Kismaanyo ee gobolka Jubbada Hoose ee Jubaland sida ay HOL u xaqiijisay, Xaliimo Maxamed Cali oo iyadu ka ka mid ahayd dadkii halkaas joogay.

Warar kale oo soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in haweenk la xiray ay ka tirsanaayeen urur lagu magcaabo DARYEEL ayna doonayeen inay qabtaan kulan ay ku dooranayeen guddoomiye cusub oo uu ururkoodu yeesho. 

Dadka la xirxiry oo tiradoodu tahay 17-qof ayaa la sheegay inay laba ruux oo keliya ay rag ka ahaayeen, kuwaasoo aan qayb ka ahayn hawsha meesha ka socotay, halka inta kalena ay ka ahaayeen haween doonayay in qabtaan doorasho.

Ciidanka booliiska ayaan illaa iyo hadda ka hadlin arrintan iyadoo waqtiga howlgalka la sameeyay uu ahaa xilli loo diyaar-garoobayey salaaddii Jimcaha ee maanta; isla markaana aanay madaxdii ciidamadu ku sugnayn xarumahooda.

Xariga loo geystay haweenka ayaan ahayn midkii ugu horreeyay ee ka dhaca degmada Laascaanood, balse uu yahay mid soo laalaabtay; iyadoo xariggii ugu dambeeyey ee haween loo geysto uu ahaa markii la doortay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) kuwaasoo doonayay inay taageero u muujiyaan doorashada ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Degmada Laascaanood oo ah xarun u ah gobolka Sool ayaa waxaa ka taliya maamulka Somaliland oo sannado ka hor ka qabsaday maamulka Puntland oo ka talin jiray.

Gobolka Sool ayaa waxaa sannadihii ugu dambeeyay ka jiray muran dhinaca maamulka ah oo u dhexeeya, maamulka Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, maamulka Puntland iyo Khaatumo State oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool