Dowlada Kenya oo dib u furtay Diiwaan-gelinta Qoxootiga iyo Dadka kale ee Magan-galyo doonka ah ee dalkeeda galaya
Jimco, May 24, 2013 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa dib u furtay diiwaan-gelinta dadka
magan-galyo doonka ah ee dalkeeda galaya, kuwaas oo ay ku jiraan qoxootiga ka
tagaya Soomaaliya, kaddib lix bilood oo aysan jirin wax diiwaan-gelin ah.
Hay’adda qoxootiga adduunka ee UNHCR ayaa
sheegtay in waaxda arrimaha qoxootiga ee dalka Kenya (DRA) ay dib u furtay diiwaan-gelinta
qoxootiga iyo dadka kale ee magan-galyo doonka sideedii bishan May.
“Howshan dib u u diiwaan-gelinta
qoxootiga waxaa lagu billaabay 4,000 oo qof oo soo gaaray xeryaya Dhadhaab,
kuwaasoo sugayay in loo diiwaan-geliyo qoxooti ahaa,” ayaa lagu yiri warbixinta
ay soo saartay UNHCR.
Dowladdii hore ee Kenya ayaa bishii November
ee sannadkii hore joojisay diiwaan-gelinta qoxootiga iyo dadka kale ee
magan-galyo doonka ah, kaddib markii ay ku eedeysay inay qayb ka yihiin falalka
ammaan-darro ee ka dhacaya gudaha dalkeeda.
Sidoo kale, xukuumaddii Kenya waxay dadka
Soomaalida ah ee dalkaas ku nool iyo qoxootiga Soomaaliyeedba ku amartay inay isaga
baxaan dalkeeda iyadoo sheegtay inay mas’uul ka yihiin ammaan-darrada dalkeeda.
Ku simaha madaxa Qoxootiga Kenya, Sora
Katelo ayaa sheegay in sababtii ay Kenya u joojisay diiwaangelinta qoxootiga ay
tahay nabadgalyo la’aan ka soo korortay xeryaha Qoxootiga iyo magaalooyinka
waaweyn ee Kenya.
Lama oga sida ay hay’adaha samafalka iyo
kuwa caawiya qoxootiga ay uga howlgeli karaan xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee
dalka Kenya, iyadoo ay ka dhacayaan halkaas falal isugu jira afduub iyo dilal
loo geysto shacaba iyo shaqaalaha samafalka.
Xeryaha ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee
dalka Kenya ayaa waxay hoy u yihiin kumannaan Qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo
ka cararay colaadaha iyo abaaraha is-bar-bar ee ka taagan Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya