4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2013
Dowlada Kenya oo dib u furtay Diiwaan-gelinta Qoxootiga iyo Dadka kale ee Magan-galyo doonka ah ee dalkeeda galaya

Jimco, May 24, 2013 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa dib u furtay diiwaan-gelinta dadka magan-galyo doonka ah ee dalkeeda galaya, kuwaas oo ay ku jiraan qoxootiga ka tagaya Soomaaliya, kaddib lix bilood oo aysan jirin wax diiwaan-gelin ah. 

Hay’adda qoxootiga adduunka ee UNHCR ayaa sheegtay in waaxda arrimaha qoxootiga ee dalka Kenya (DRA) ay dib u furtay diiwaan-gelinta qoxootiga iyo dadka kale ee magan-galyo doonka sideedii bishan May.

“Howshan dib u u diiwaan-gelinta qoxootiga waxaa lagu billaabay 4,000 oo qof oo soo gaaray xeryaya Dhadhaab, kuwaasoo sugayay in loo diiwaan-geliyo qoxooti ahaa,” ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saartay UNHCR.

Dowladdii hore ee Kenya ayaa bishii November ee sannadkii hore joojisay diiwaan-gelinta qoxootiga iyo dadka kale ee magan-galyo doonka ah, kaddib markii ay ku eedeysay inay qayb ka yihiin falalka ammaan-darro ee ka dhacaya gudaha dalkeeda.

Sidoo kale, xukuumaddii Kenya waxay dadka Soomaalida ah ee dalkaas ku nool iyo qoxootiga Soomaaliyeedba ku amartay inay isaga baxaan dalkeeda iyadoo sheegtay inay mas’uul ka yihiin ammaan-darrada dalkeeda.

Ku simaha madaxa Qoxootiga Kenya, Sora Katelo ayaa sheegay in sababtii ay Kenya u joojisay diiwaangelinta qoxootiga ay tahay nabadgalyo la’aan ka soo korortay xeryaha Qoxootiga iyo magaalooyinka waaweyn ee Kenya.

Lama oga sida ay hay’adaha samafalka iyo kuwa caawiya qoxootiga ay uga howlgeli karaan xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, iyadoo ay ka dhacayaan halkaas falal isugu jira afduub iyo dilal loo geysto shacaba iyo shaqaalaha samafalka.

Xeryaha ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa waxay hoy u yihiin kumannaan Qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo ka cararay colaadaha iyo abaaraha is-bar-bar ee ka taagan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya