4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2013
Bahda Isbooritga ee London iyo Ururka La-dagaalama Qabyaaladda ee ATM oo Abaal-marin Guddoonsiiyey Shabakadda Hiiraan Online


Jimco, May 24, 2013 (HOL) - Ururka u dhaqdhaqaaqa la dagaalan qabyaaladda ee loo yaqaano ATM (Anti-Tribalism Movement) iyo bahda
Isboortiga ee magaalada London ayaa abaal-marin guddoonsiiyey shabakadda Hiiraan Online. Iyagoo ku abaal-mariyey heerka ay ka gaareen warbaahinta iyo sida ay u kasbatay kalsoonida shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay adduunka ka joogaan.

Xafladdaas abaalmarinta ah oo ka dhacday Blue Ocean Restaurent ee magaalada London ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa xubno ka socda warbaahinta gaar ahaan wariyeyaal ka socda telefishinka caalamiga ee Universal.

Waxaa abaal-marintan ka guddoomay labadaas urur madaxa shabakadda HOL, Axmed Guure oo uga mahadceliyay labad urur abaalmarinta ay guddoonsiiyeen HOL. Wuxuuna sheegay inay abaal-marintaan ay mudan yihiin shaqaalaha Hiiraan Online oo howlo aad u adag kawada gudaha dalka Soomaaliya.

Ururka ATM iyo bahda jaaliyadda isboortiga London ayaa waxay si wadajir ah ugu ammaaneen Hiiraan Online howsha nadiifka ah ee ay ummadda u hayaan, waxayna ku dhiirigaliyeen inay hawsha halkaas ka sii wadaan.

Madax shabakadda HOL, Axmed Guure ayaa ururka ATM iyo bahda isbooritga London uga mahad-celiyay abaalmarintooda, wuxuuna farxad ka muujiyey in qaybo ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ay garteen howsha Hiiraan Online ay u hayso shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna ka ballan-qaaday labadaan urur in Hiiraan Online ay si toos ah ula shaqeyn doonto, gaar ahaa ururkan u tafaxeytay  inuu la dagaalamaan qabyaaladda. Waxay HOL ku ammaantay bahda Isboortiga ee London howla ay kawadaan magaalada London.

Magaalada London ayaa ah magaalada ugu dadka badan ee laga soo booqda Hiiraan Online.



Ibraahim Baafo, Hiiraan Online
[email protected]
London, Britain