Urur Goboleedka IGAD oo ku Taliyay in Dowladda Soomaaliya lagu Ixtiraamo Maamul u sameynta Gobollada Dalka
Khamiis, May 23, 2013 (HOL) — Urur goboleedka IGAD ayaa warbixin ay soo saareen
maanta waxay ku sheegeen in dowladda Somalia looga dambeeyo dhismaha maamul
goboleedyada dalka iyo hirgelinta habka federaalka ah ee dalka uu ku dhaqmayo, iyadoo
la ixtiraamayo dastuurka Soomaaliya.
Warbixintan oo ay saareen guddi ka kooban
IGAD oo booqashooyin ku kala bixiyay Muqdisho iyo Kismaayo ayaa lagu sheegay in
ururka IGAD uu diyaar u yahay inuu dowladda Soomaaliya kala shaqeynayso hab
walba oo lagu hir-gelin karo dhismaha maamullada gobollada dalka, haddii ay
weydiisato.
Sidoo kale, warbixinta ayaa looga
dalbaday dowladda Soomaaliya iyo golaha baarlamaanka Soomaaliya inay dedejiyaan
sameynta shuruucda dhismaha maamul goboleedyada dalka iyo hirgelinta habka
federaaliisimka.
Arrintan ayaa waxay meesha ka saaraysaa maamullada
aanay dowladdu raalliga ka ahayn oo uu ka mid yahay maamulka Jubaland ee
dhawaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose iyo sidoo
kale madaxweynayaasha is-magacaabay.
Ururka IGAD ayaa wuxuu ugu baaqay
dowladda Soomaaliya inay ka sida ugu dhaqsiyaha badan uga shaqeyso sugidda
ammaanka gobollada dalka, si loo helo nabad lagu qaban karo shirar lagu dhisayo
maamul-goboleedyada.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale loogu
baaqay inay qarameyso gabi ahaan ciidamada aan dowladda ka tirsanayn ee ku
sugan gobollada dalka sida magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.
Xubnaha ka socday IGAD ee warbixinta
ururinayay ayaa waxay Muqdisho kula kulmeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan
Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaaraha, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), guddoomiyaha
baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), wasiirka arrimaha gudaha iyo
amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, xidhibaannada baarlamaanka Somalia,
cuqaasha beelaha, bulshada rayidka iyo saraakiisha AMISOM.
Dhanka kale, guddigan oo uu hoggaaminayay
xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallin ayaa waxay Kismaayo kula kulmeen,
Axmed Madoobe, Barre Hiiraale, Cabdulle Dafle, Cumar Buraale iyo Iftin Xasan oo
ahaa ragga isku haysta madaxweynnimada Jubaland iyo xubno ka tirsan bulshada
rayidka, cuqaasha beelaha, ganacsatada, wafdi dowladda Soomaaliya ay u dirtay Kismaayo
iyo taliyaha ciidamada Raaskambooni.
Soomaaliya ayaa waxay ka mid tahay
dalalka IGAD, waxaana guddigan lagu sameeyay shirkii ururka IGAD uu ku yeeshay
horraantii bishan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya