4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2013
Urur Goboleedka IGAD oo ku Taliyay in Dowladda Soomaaliya lagu Ixtiraamo Maamul u sameynta Gobollada Dalka

Khamiis, May 23, 2013 (HOL) — Urur goboleedka IGAD ayaa warbixin ay soo saareen maanta waxay ku sheegeen in dowladda Somalia looga dambeeyo dhismaha maamul goboleedyada dalka iyo hirgelinta habka federaalka ah ee dalka uu ku dhaqmayo, iyadoo la ixtiraamayo dastuurka Soomaaliya.

Warbixintan oo ay saareen guddi ka kooban IGAD oo booqashooyin ku kala bixiyay Muqdisho iyo Kismaayo ayaa lagu sheegay in ururka IGAD uu diyaar u yahay inuu dowladda Soomaaliya kala shaqeynayso hab walba oo lagu hir-gelin karo dhismaha maamullada gobollada dalka, haddii ay weydiisato.

Sidoo kale, warbixinta ayaa looga dalbaday dowladda Soomaaliya iyo golaha baarlamaanka Soomaaliya inay dedejiyaan sameynta shuruucda dhismaha maamul goboleedyada dalka iyo hirgelinta habka federaaliisimka.

Arrintan ayaa waxay meesha ka saaraysaa maamullada aanay dowladdu raalliga ka ahayn oo uu ka mid yahay maamulka Jubaland ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose iyo sidoo kale madaxweynayaasha is-magacaabay.

Ururka IGAD ayaa wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay ka sida ugu dhaqsiyaha badan uga shaqeyso sugidda ammaanka gobollada dalka, si loo helo nabad lagu qaban karo shirar lagu dhisayo maamul-goboleedyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale loogu baaqay inay qarameyso gabi ahaan ciidamada aan dowladda ka tirsanayn ee ku sugan gobollada dalka sida magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.

Xubnaha ka socday IGAD ee warbixinta ururinayay ayaa waxay Muqdisho kula kulmeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaaraha, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, xidhibaannada baarlamaanka Somalia, cuqaasha beelaha, bulshada rayidka iyo saraakiisha AMISOM.

Dhanka kale, guddigan oo uu hoggaaminayay xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallin ayaa waxay Kismaayo kula kulmeen, Axmed Madoobe, Barre Hiiraale, Cabdulle Dafle, Cumar Buraale iyo Iftin Xasan oo ahaa ragga isku haysta madaxweynnimada Jubaland iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka, cuqaasha beelaha, ganacsatada, wafdi dowladda Soomaaliya ay u dirtay Kismaayo iyo taliyaha ciidamada Raaskambooni.

Soomaaliya ayaa waxay ka mid tahay dalalka IGAD, waxaana guddigan lagu sameeyay shirkii ururka IGAD uu ku yeeshay horraantii bishan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya