4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 23, 2013
Xaflad loogu Mahadceliyay Xildhibaannadii ka laabtay Mooshinkii ka Dhanka ahaa Xukuumadda oo lagu qabtay Nairobi (SAWIRRO)

M1380045.jpg
Khamiis, May 23, 2013 (HOL) - Kulan ay isugu yimaadeen qaar kamid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi ayaa loogu mahadceliyay xildhibaanadii ka noqday mooshinka ka dhanka ahaa xukuumada Soomaaliya, kaasoo dhicisoobay kadib markii ay ka laabteen tiro badan oo xildhibaano ah,  iyadoo ay soo hareen wax ka yar 40 xildhibaan.

Waxaana gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu shalay shaaciyay in mooshinkaas u sharci darro yahay maadaama ay ka noqdeen xildhibaano badan kuwa soo harayna aysan kooramka buuxinayn.

Waxaa kaloo xafladda ka dhacday Nairobi taageero loogu muujiyay Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo kamid ah madaxweynayaasha dhawaan looga dhawaaqay Kismaayo ee isku haysta hogaanka maamul goboleedka Jubbaland.

Ugaas Shaafici Ugaas Aadan oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay la dhacsanyihiin in xukuumada Soomaaliya ay sii shaqayso, isagoo ka codsaday baarlamaanka inay ka waantoobaan waxwalba oo dalka dib ugu celin kara isqabqabsiyadii taagnaa markii ay dalka ka jireen dawladihii KMG ahaa.

Farey Xaaji Jucuur oo hadal dheer  halkaas ka jeediyay ayaa sheegay inaysan aqbali doonin in Soomaaliya gadaal loogu celiyo dagaal sokeeye oo laga horyimaado dawlada dalka ka jirta.

“Dawladu iyadaa dalka masuul ka ah, cidii ka hortimaada ujeedkeedu waa inaan laga dhaqaaqin meesha aynu joogno, Soomaaliyi yeeli mayso” ayuu yiri.

M1380042.jpg

Col. Maxamuud Culusow oo kamid ahaa dadkii halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu muddo dheer kasoo shaqeeyay gobollada Jubbooyinka uuna yaqaano gobolladaas, isagoo ka codsaday dadka isku haya maamulkeeda inay tixgaliyaan rabitaanka shacabka.

Abwaanad Dhoofo Khaliif oo iyaduna goobtaas ka hadashay ayaa sheegtay inaan la aqbali Karin mooshinkii baarlamaanka oo ay ku tilmaantay inuu noqon lahaa mid dib u celiya dalka hadii uu guulaysan lahaa.

“ Xildhibaanadii ka noqday waa mahadsanyihiin, kuwa wali ku dhagganse waxaan ugu baaqaynaa ugaasyadoodii inay dad kale ku soo badashaan, annagu ma rabno isqabqabsi dambe” ayay tiri Dhoofo.

Suldaan Axmed Jimcaale ayaa isna mahad ballaaran u jeediyay xildhibaanada oo uu ku sheegay inay ku jiraan dad badan oo wanaagsan, balse loo baahanyahay kuwa fowdada wada in la iska qabto.

Ugu dambayntiina kasoo qaybgalayaashii shirka oo taageero u muujiyay Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa sheegay inay isaga u aqoonsanyihiin madaxweyne, balse ay ku qanci doonaan dawlada federaalka ah ee Soomaaliya go’aan walba oo ay qaadato ayna taageersanyihiin madaxda qaranka.

M1380009.jpg
M1380001.jpg
M1380015.jpg
M1380060.jpg
M1380020.jpgM1380036.jpg
M1380050.jpg
M1380065.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya