4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2013
MADAXWEYNAHA SOMALIA: “Waxaan Rajeynaynaa in Dhawaan Soomaaliya lagu qabto shirka Midowga Afrika" (SAWIRRO)


Khamiis, May 23,  2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabad loogu dabaal-dagayay 50-guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay ururuka Midowga Afirka oo maanta Muqdisho lagu qabtay ayaa sheegay inuu rajeynayo in dhawaan shirka ururka Midowga Afrika lagu qabto magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaliya ay kaalin weyn ku lahayd dhismaha ururka Midowga Afrika xilligaas oo ay xor ahaayeen 32 dowladood oo ka tirsan qaaradda Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto.

“Ururka Midowga Afirka wuxuu jirsaday 50-sano, Soomaaliyana waxay ku faanaysaa inay ka mid ahayd dalalkii aasaasay Midowga Yurub, iyadoo uu ka mid ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan inuu saxiixay heshiiskii lagu dhisay Midowga Afrika, Maantana waa mid ay Afrika ku faani karto inay ka qayb ka qaateen dib u soo celinta nabadda Somalia,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo hadal dheer ka jeediyay kulanka oo lagu qabtay xarunta AMISOM ee Xalane.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho ay ku taallo xaafad lagu magacaabo Afrikaan Village oo loo dhisay madaxdii Midowga Afrika oo shirk u yeeshay toddobaatameeyadii magaalada Muqdisho, waxaana rajeynaynaa in dhawaan halkaas lagu qaban doono shirka Midowga Afrika,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in xaafaddaas oo caan ah ay horay u qabsadeen Al-shabaab, balse cidiamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika oo iskaashanaya ay ku guuleysteen inay ka saaraan, taasna ay guul u tahay Soomaaliya iyo Qaaradda oo dhan.

 

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qaybgalay madax ka socday Midowga Yurub, saraakiil ka socday dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, xubno ka tirsan bulshada rayidka ah iyo dadweyne fara badan oo lagu casuumay.

“Waxaa xusid mudan in ururka Midowga Afrika uu gacan ka geystay sidii ay xorriyadooda u heli lahaayeen 20-dal oo Afrikaan ah, waxaana rajeynayaa in 50-sano ee soo socota ay shucuubta dallaka Afrika oo dhan isaga gudbaan meel walba oo Qaaradda ka mid ah,” ayuu madaxweynuhu hadalkiis ku daray.

Sidoo kale, waxaa halkaas ka hadlay ergayga Midowga Afirka ee Soomaaliya Maxamed Saalax Anaadiif oo sheegay in xafladda lagu qabtay Muqdisho ay tilmaan cad u tahay in horumar muuqda laga gaaray nabadda caasimadda Soomaaliya, goobaha kale harsanna dhawaan laga saari doono Al-shabaab si dalka oo dhan nabad loogu dabaalo.

“Midowga Afrika wuxuu jirsaday 50-sano, waxaanan ugu hambalyeynayaa madaxda Afrika iyo shacabka Qaaradda ku nool oo dhan. Wax badan ayaa u qabsoomay ururka, waxaana rajeynayaa in kuwa kale ee harsanna si deg-deg ah ku qabsoomaan,” ayuu Anaadiif hadalkiisa ku sheegay.

Dhanka kale, waxaa halkaas ka hadlay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa dajiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Dayib Dubad Rooble iyo xubno kale oo xusay in Soomaaliya ay haybad u tahay inay ka mid noqoto dalalkii wax ka dhisay ururka Midowga Afrika, laguna xusuusan doono weligood.

Xafladda lagu xusayay 50-sano guuradii kasoo wareegay ururka Midowga Afrika ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo lagu qabto Muqdisho tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, iyadoo ammaanka goobta ay xafladdu ka dhacaysay ay si aad u adkeeyeen ciidamada AMISOM.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya