Shir looga Hadlayo Badbaadada iyo Nabadda Suxufiyiinta Af Soomaaliga ku hadla oo ka furmay Addis Ababa (SAWIRRO)
Khamiis, May 23, 2013 (HOL) — Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka
furmay shir looga hadlayo badbaadada iyo nabadda warbaahinta ku hadasha Afka Soomaaliga si oo ay ka qeybgalayaan saxafiyiin ka kala
yimid Soomaaliya, Somaliland iyo Yurub.
Shirka oo ay qabashadiisa iska kaashadeen
Urur goboleedka IGAD iyo Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika (EAJA) ayaa wuxuu
soocn doonaa afar maalmood, iyadoo maanta oo uu shirka furmay looga hadlay
badbaadada iyo nabadda warbaahinta Soomaaliyeed.
Furitaankii shirka ayaa waxaa ka hadlay
mas’uuliyiin ka kala socotay Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika ee EAJA, Ururka
Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee
NUSOJ, Urur goboleedka IGAD, Midowga Afrika, Wasaaradda Warfaafinta Itoobiya
waxayna dhammaantood ka hadleen muhiimadda badbaadada iyo nabadda iyo
warbaahinta Soomaaliyeed.
Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta
Qaranka Soomaaliyeed Cumar Faaruuq Cusmaan Nuur ayaa furitaanka shirka ka
hadlay wuxuuna ugu horreyn soo dhaweeyay ka qeybgalayaasha shirka, isagoo sidoo
kalena u mahadceliyay Ururradii suurtageliyay in uu shirkan qabsoomo.
Intaas kaddib waxaa uu ka hadlay ujeedka
shirka loo qabtay, wuxuuna caddeyay in shirkan loo qabtay sidii loo heli lahaa
badbaadada warfidiyeennada, wuxuuna tilmaamay in dadaal badan kaddib ay ku
guuleysteen in arrinta nabadda iyo badbaadada warfidiyeennada la horgeeyo
shirka Midowga Afrika uu ku leeyahay 24-ka bishan Magaalada Addis Ababa.
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Bariga
Afrika (EAJA)Dr. Muheldin Ahmed Idris
ayaa shirka ka hadlay wuxuuna sheegay in ay farxad weyn u tahay in uu ka soo
qeybgalo shir looga hadlayo nabadda iyo badbaadada warbaahinta Soomaaliyeed.
Wuxuu intaas ku daray Dr. Muheldin inay difaacayaan Saxafiyiinta Soomaaliyeed
iyagoo la kaashanaya ururrada caalamiga ah.
Waxaa ka hadlay Ambassador Ramtane Lamamra oo ka socday Midowga Afrika
ayaa hadalkiisa furitaanka shir jeediyay wuxuuna aad ugu dheeraaday muhiimadda
badbaadada warfidiyeennada, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay ka welwelsan
yihiin tacaddiyada loo geysto warfidiyeennada.
Ambassador Lamamra wuxuu shirka ka
sheegay in shir midowga Afrika uu ku leeyahay Addis Ababa looga hadlayo
badbaadada iyo nabadda warfidiyeennada , wuxuuna hoosta ka xariiqay in xiriirka
ka dhaxeeya Midowga Afrika iyo Warbaahinta Soomaaliyeed uu yahay mid wanaagsan.
Wariyayaasha ayuu dhankooda ugu baaqay in
ay noqdaan kuwo iska hubiya wararka iyo warbixinnada ay dadka u gudbinayaan ka
hor inta aysan baahin, si aysan u dhicin in iyana lagu xadgudbo.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta
Itoobiya Shimeles Kamal ayaa shirka ka hadlay wuxuuna sheegay in dadka labada
dale ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay muddo 22 sano ka badan ku wada noolaayeen
xiriir aad u wanaagsan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dowladaha iyo shacabka
labada dowladood ay ka go’an tahay in ay nabad iyo derisnimo wanaag ku wada
noolaadaan. Wuxuu sheegay Ra’iisal Wasaarihii hor eee Itooboiya Meles Zenawi uu
sheegay in ammaanka Qaranka Itoobiya uu yahay Soomaaliya oo xasilloon.
Intaas kaddib wasiirku wuxuu warbaahinta
shirka ka qeybgeleysa ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii dalka Soomaaliya uu
nabad u noqon lahaa, bacdamaa ay heystaan awood ay dadka uga dhaadhicin karaan
in ay nabaddu muhiimad u leedahay. Sidoo kalena wuxuu sheegay in Soomaaliya ay
sugeyso dadka wax bartay meel kasta oo ay caalamka ka joogaan si ay Soomaaliya
cagaheeda isugu taagto.
C/rashiid C/qaadir Warsame oo ka
socday Urur goboleedka IGAD ayaa sidoo kale shirka ka hadlay, wuxuuna sheegay
in IGAD ay muddo dheer ku howlaneyd arrimaha Soomaaliya iyo sidii xal loogu
heli lahaa mushkiladaha ka jira, wuxuuna xusay in dowladihii KMG ahaa ee
Soomaaliya loo soo dhisay uu gacan weyn ku lahaa urur goboleedka IGAD.
C/rashiid waxaa uu sheegay in
saxafiyiinta ay yihiin dhegaha iyo indhaha shacabka Soomaaliyeed waayo buu yiri
waxay cod u yihiin dadka aan codka lahayn. Wuxuu ku boorriyay saxafiyiinta in
ay dadka nabadda iyo waxyaabaha wanaagsan ay u sheegaan, isla markaana ay ka
dhisaan dhinaca aqoonta diinta Islaamka.
Jamaal Axmed Ibraahim oo ah wakiilka IGAD
ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay furitaanka shirka, isagoo dhaweeyay ka
soo qeybgalayaasha shirka. Jamaal waxaa uu intaas ku daray in ujeedada shirkan
loo qabtay ay tahay in la tayeeyo warfidiyeennada, isla markaana aqoontooda la
kordhiyo, wuxuuna caddeeyay in ay qorshaha ugu jirto in ay waxbarasho u helaan
saxafiyiinta si loo helo warfidiyeenno ka dhisan dhinaca aqoonta, kuwaasi oo
buu yiri haddii ay si wanaagsan u shaqeeyaan dadkooda iyo dalkooda u horseedi
kara horumar.
Berri ayaa lagu wadaa in saxafiyiinta shirka
ka qeybgelaya ay booqdaan xarunta Midowga Afrika, halkaas oo uu socdo shirweyne
lagu xusayo sanadguuradii 50aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay
Ururka Midowga Afrika.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]