4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2013
Warbixin dhawaan lasoo bandhigay oo muujinaysa tacadiyadii iyo xasuuqii loo gaystay Soomaalida gobolka waqooyi bari (WARBIXIN)
PHOTO | BILLY MUTAI | FILE A member of Wagalla Massacre Foundation protests against reinstatement of Mr Bethuel Kiplagat as chairman of TJRC at NHIF building in Nairobi on February 27, 2012.
Qaar kamid dadkii ka badbaaday xasuuqaas oo ooyaya xilli ay samaynayeen dibad bax ka dhan ah Bethuel Kiplagat

Khamiis, May 23, 2013 (HOL) - Warbixin oo uu soo bandhigay guddiga runta, cadaalada iyo dib u hesheesiinta Kenya ee (TJRC)  ayaa muujinaysa tacadiyadii lixaadka lahaa ee ay la kulmeen Soomaalida ku nool gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, kuwaasoo loo gaystay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha xilliyadii gumaysiga iyo maamuladii ka dambeeyay ee ay kala hogaaminayeen madaxweynayaashii Jommo Kenyatta iyo Daniel Arab Moi.

Sida ku xusan warbixinta waxay dawlada Kenya cadaysay in 2000 oo qof ay ku dhinteen weeraro iyo xadgudubyo is daba joog ahaa oo dadkaas loo gaystay, inkastoo warar kale ee ay sheegayaan in tirada ay gaarayso 7000 oo qof, intii dhexaysay 1964 ilaa iyo1967, taasoo muujinaysa in saddex sano gudahood kaliya lagu dilay tiro intaas le’eg oo dad ah.

Gudiga (TJRC) ayaa warbixintiisa ku sheegay in deegaanadaas ay ka jireen falal ay fulinayeen shufto wadooyinka gasha, kuwaaso ay hogaaminayeen dadka deegaanka si ay uga jawaabeen xadgudubyadii ay kala kulmeen gumaysigii iyo dawladihii Kenya ee soo maray taasoo horseeday tacadiyo horleh iyo dilal aan kala sooc lahayn oo dadka gobolka waqooyi bari lagu gumaaday.

 Dhulka NFD oo ay markii dambe ka bilaabatay iska caabin ay wadeen dadka deegaanka oo ka dhiidhiyay falalka ka dhanka ah insaaniyada ee lagula kacay ayaa lagu sheegay warbixinta in si isdaba joog ah ay ciidamadu uga gaysan jireen dilal,kufsi,dhac iyo falal kale oo ka dhan ah xuquuqda bini’aadamka.

Gudiga warbixinta qoray ee dib u heshiisiinta ayaa sheegay inay waraysteen qaar ka mid ah eheladii iyo kuwii ka badbaaday xasuuqii Wagalla, kuwaasoo ilaa iyo xilligan la nool qalbi fuqii ay ka dhaxleen xasuuqaas oo keenay in la gumaado dadka ku nool degmada Wajeer oo si aan kala sooc lahayn loo kufsaday haweenkoodii, ragiina la laayay, xoolihiin laga dhacay.

 Ciidamada iyo hay’adaha sirdoonka ee Kenya ayaa gudiga aan siinin maacluumaadkii loo baahnaa, taasoo keeni lahayd in la ogaadi xaqiiqada dhabta ah ee xasuuqyadii ka dhacay gobolka waqooyi bari, balse gudigu waxay u cuskadeen warbixintooda waraysiyo ay la yasheen dadkii dhibanayaasha ahaa ee kasoo badbaaday gabood falladadii naxdinta lahaa.

Xilligii gumaysiga dadka gobollada waqooyi bari waxaa loola dhaqmi jiray si ka duwan Keenyaanka kale, taasoo muujinaysa in xadgudubyada lagu hayay dadkaas ay ahaayeen kuwo xilli hore soo bilowday ayay tiri warbixintu.

Dawlada Kenya iyo hay’adaheeda garsoorka iyo ciidamada qalabka sida ayay warbixintani ugu baaqday inay raali galin rasmi ah ka bixiyaan dhibaatooyinkii ay u gaysteen dadka Keenyaanka ah, intii uusan waddanku qaadaan nidaamka dimuqraadiga ah.

Qaar badan oo ka mid ah dadka kasoo jeeda gobolka waqooyi bari ayaan ku qanacsanayn warbixinta oo ay sheegeen inuu gacantiisa ku qoray nin ay ku eedaynayaan inuu ahaa ninkii gaystay xasuuqii Wagalla, taasoo micnaheedu noqonayo inuu qariyay in badan oo kamid ah gabood falladaas oo ay ku tilmaameen inay ahaayeen xasuuqii ugu ballaarnaa ee ka dhaca waddanka Kenya.

Bishii February 1984 ayay ahayd markii ay dawlada Kenya ciidamadeedu gaysteen xasuuq lagu dilay kumanaan qof laguna kufsaday kumanaan haween ah, sida ay kuu sheegayaan dadka ku nool degmada Wajeer oo uu xasuuqaasi ka dhacay.

Ambassador Bethuel Kiplagat oo gudiga TJRC ee warbixintan soo saaray gudoomiye u ah ayaa xilligaas ahaa sarkaal sare oo ka tirsan mukhaabaraatka Kenya, isagoo sidoo kalana ahaa xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda, waxayna dadka deegaanka Wajeer ku eedeeyeen inuu lug ku lahaa xasuuqii Wagalla.

Balse Bethuel Kiplagat ayaa beeniyay inuu wax dambi ah sameeyay, isagoo sidoo kalana loo haysto inuu wax ka ogaa dilkii loo gaystay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Kenya Robert Ouko oo la dilay sannadkii 1990-kii.

Tan iyo markii la magacaabay gudiga dib u heshiisiinta ee TJRC ayaa waxaa socday cabashooyin ka imaanayay dadka gobolka waqooyi bari oo ay ku doonayeen Kiplagat inuu isaga casilo gudoonka gudiggan maadaama ay aaminsanyihiin inuu isagu kaalin muuqata ku lahaa xasuuqaas.

Dad badan ayaa is waydiinaya sida ay cadaalad u noqon karto warbixin uu diyaariyay nin loo haysto inuu isagu wax ka maleegay xasuuqii loo gaystay dadka Soomaalida ah ee gobolka waqooyi bari, iyadoo aysan warbixintuna tiro rasmi ah ku salaynin inta ay le’egyihiin dadkii ku dhintay xasuuqaas oo lagu tilmaamo inay ahaayeen kumanaan qof.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya