Isbitaalka Shifo oo ka mid ah Isbitaallada uu Turkigu ka Hirgeliyay Muqdisho oo Kumannaan Ruux lagu Daweeyay
Arbaco, May 22, 2013 (HOL) — Kumannaan Soomaali ah ayaa dawooyin lacag la’aan
ah ka helay isbitaalka Shifo oo ka mid ah isbitaallada ay ka hirgelisay Muqdisho
hay’adaha bisha cas ee Turkiga iyo hay’adda TIKA oo dhinaca horumarinta dibadda
u qaabilsan dowladda Turkiga.
Isbitaalkan ayaa ka daweeyay dadkaas
faraha badan dhaawacyo iyo xanuunno kala duwan oo asiibay, waxaana maalin walba
ay daweeyaan boqolaal qof oo Soomaali ah. Iyadoo isbitaalkan ay yaallaan 66 sariirood
oo bukaannada xalaadoodu daran tahay la seexiyo.
Madaxa mashruucan, Seyda Sever ayaa
sheegtay in dhamaan howlahooda ay ku qabtaan si lacag la’aan ah, kuwaasoo ay ku
jiraan qalliinno ay qaar ka mid ah bukaannada ku sameeyeen iyadoo aan lacago
laga qaadin.
“Inta badan dadka isbitaalkan daweynta u
soo doonta waa kuwa ku nool xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho ku yaalla,” ayay
tiri Sever oo intaas raacisay: “Ma jiro wax dhaqaale ah oo isbitaalkan ka helno
uma sameyn in aan dhaqeel ka helo. Ujeeddadeennu waa inaan caawino dadka
Soomaalida ah oo keliya.”
Sever waxay sheegtay in dhammaan dhaqaatiirta
ka howlgala Isbitaalka Shifa ay yihiin kuwo si mutadawacnimo ah ku shaqeeya,
waxayna diyaar u yihiin inay caawiyaan dadka kaalmada caafimaad u baahan.
“Dhaqaatiirtu waxay sameeyaan toddobaadkiiba 50 illaa 60 qalliin, in laga
shaqeeyo Soomaaliyana ma ahan mid fudud. Runtii waa mid aad u adag. Weerradii argagaxisada
way laba jibaarmeen. Maalin walba waxaan si dhib kusoo markaan inta u dhexeysa
guryaha aan deggennahay iyo isbitaalka. Dadka caafimaadka u imaanaya isbitaalkana
waan iska baarayaa, waayo waxaan ka baqaynaa weerarro argagaxiso,” ayay Sever hadalkeeda
ku dartay.
Ugu dambeyn, sarkaaladdan waxay sheegtay
inay xusuustaan in kolonyo ay wateen shaqaale ka tirsan Turkiga oo qarax lagula
beegsaday Muqdisho lagu dilay darawal Soomali ah, iyadoo xustay in Soomaalidu
ay og yihiin in dadka Turkiga ah ay dalkooda u joogaan inay caawiyaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya