4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 22, 2013
Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka laabtay Mooshin, mar kalena kalsoonida siiyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya


Arbaco, May 22, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka ayaa dib uga laabtay maanta Mooshin ay ka keeneen xukuumadda Soomaaliya sida uu ka sheegay fadhigii maanta ee baarlamaanka guddoomiyaha baarlamaanka Somaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Kulankii maanta oo ay soo xaadireen 200 xildhibaan ajadahiisaa uu ahaa in laga doodo mooshinkii ay xukuumadda ka keentay ayaa la joojiyay, kaddib markii uu guddoomiyaha baarlamaanka ku dhawaaqay in mooshinkaas laga laabtay.

“Mudanayaal badan ayaa warqado ii keenay, kuwaasoo ay ku sheegayeen in ay ka laabteen mooshinkii ay ka keeneen xukuumadda, waxaana xubnaha soo haray ay noqdeen 38-xubnood taasna taasoo ka dhigaysa mooshinka mid aan sharci ahayn,” ayuu yiri Prof. Maxamed Cismaan (Jawaari) oo ahaa shir-guddoonkii kulankii baarlamaanka ee maanta.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaannadu ay kalsoonidooda mar kale siiyeen xukuumadda Soomaaliya ayna noqonayso in ay howsheeda sii wadato, isagoo xukuumadda ugu baaqay inay howlaheeda sii wadato ayna saxdo eedeymihii horay loogu soo jeediyay.

Tallaabaadan ayaa waxay noqonaysaa in xukuumadda Soomaaliya oo muddo lix bilood ah shaqeynaysay ay howsheeda sii wado, waxaana xildhibaanadii ka laabtay mooshinka ay sheegeen inay u arkeen mooshinkan inuu carqalad ku yahay howlaha dowladda Soomaaliya.

Bartamihii bishan ayaa waxaa xildhibaanno tiradoodu ahayd 93 xildhibaan ayaa hor-geeyeen baarlamaanka mooshin ka dhan ah xukuumadda Somalia, waxaana xildhibaannada saxiixay ay gaareen 129 xubnood, inkastoo ay dib u bilaabeen xildhibaannadu inay ka laabtaan.

Maalmahan ayaa waxaa Muqdisho ka socday kulammo ay qabanayeen xubnihii mooshinka geeyay, kuwaasoo ay kaga dhawaaqeen inay ka laabteen mooshinkii ay ka geeyeen xukuumadda.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax shirdoon Saacid ayaan weli ka haldin mooshinka ay xildhibaannadu ka laabteen, iyadoo tani ay noqonayso guul u soo hoyatay xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn soo xiray kulankii baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii uu ku dhawaaqay in laga laabtay mooshinkii laga keenay xukuumadda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya