4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 22, 2013
Xildhibaanada Baarlamaanka oo lagu wado inay ka doodaan Mooshinkii laga keenay Xukuumadda Federaalka Somalia


Arbaco, May 22, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta ka doodaan mooshin ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya kaasoo dhawaan la horgeeyay baarlamaanka, inkastoo xubno ka mid ah kuwii saxiixay ay sheegeen inay ka la laabteen go’aankooda.

Doodda baarlamaanka ayaa waxay u badnaan doontaa ka hadalka wixii u qabsoomay xukuumadda Soomaaliya muddadii ay jirtay, iyadoo kulankan maanta uu yahay mid k duwan kulammadii hore ee baarlamaanka.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa u muuqda kuwo ku qaybsan mooshinka laga keenay xukuumadda iyadoo xildhibaannadii mooshinka keenay lagu wado inay kulanka ka faahfaahiyaan dhaliilaha ay xukuumadda u soo jeedinayaa halka, xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinkana ay ka hadli doonaan aragtidooda.

Kulankan ayaa noqon doona kii ugu xasaasisanaa ee baarlamaanka Soomaaliya uu yeesho, iyadoo aysan jirin wax hadal ah oo weli kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya, kaasoo ku aaddan mooshinka ka yaalla golaha baarlamaanka.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn xilliga xukuumadda loo qaado codka kalsoonida ah ayaa haddana, waxaa la sheegayaa in dooddu ay socon doonto maalmaha soo socda, ugu dambeynna xukuumadda cod loo qaadi doono haddii la isku waafaqo.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay xildhibaannada baarlamaanku waxay ansixiyeen qodobbo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda oo ku saabsan sida loo isticmaalayo daqliga dowladda iyo heshiisyada shirkadaha shisheeye iyo sidoo kale xisaab-xirkii miisaaniyaddii saddexdii bilood ee sannadkii hore ugu dambeysay ee ay dowladdu isticmaashay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya