Bannaanbax lagu Taageerayo Xukuumadda Federaalka Somalia oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)
Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Bannaanbax lagu taageerayay xukuumadda Soomaaliya
laguna dalbanayay in la joojiyo mooshinka ay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka
ka gudbiyeen xukuumadda ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Boqolaal qof oo dibadbaxan ka
qaybqaadanayay ayaa ku dhawaaqayya erayo ay ku taageerayaan xukuumadda ayna uga
soo horjeedeen mooshinka laga gudbiyay, waxaana dibadbaxayaashu ay u badnaayeen
haween iyo caruur yaryar.
“Ma doonayno kuwo doonaya inay dalka
burburiyaan, xukuumaddu waa mid howlo waaweyn oo muuqda ka qabatay dalka iyo
magaalada Muqdisho, waxaan u aragnaa mooshinka kaga keenay mid lagu diiddan yahay
horumar ay xukuumaddu sameysay,” ayay yiraahdeen haween dibadbaxa ka qayb-qaadanayay
oo la hadlay warbaahinta.
Dibadbaxayaasha ayaa waxay wateen boorar
ay ku qoran yihiin erayo ay ka mid yihiin: [Waxaan taageeraynaa kuna
qanacsannahay dowladda Somalia] iyo erayo kale oo ay ka mid ahaayeen waa in la
joojiyo mooshinka ka dhanka ah xukuumadda.
“Waxaan kasoo horjeednaa kuwa doonaya
inay ka horyimaadaan horumarka ay xukuumaddu ku tallaabsatay, waxaana ka
codsanaynaa xildhibaannadii mooshinka keenay inay ka laabtaan go’aankooda,”
ayay yiraahdeen qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo ku qalinayay waa in xukuumadda
la garab istaago si ay howsheeda u gudato.
Lama oga ciddii soo qabanqaabisay
dibadbaxan, waxaase dadka goobta ku sugnaa ka muuqday qiiro ay ku muujinayaan
sida ay uga soo horjeedaan in carqalad la geliyo howlaha xukuumadda iyo
dowladda Soomaaliya oo ay ku sheegeen inay tahay mid wax wanaagsan qabatay
muddadii yarayd ee ay jirtay.
Bannaanbaxan ayaa wuxuu kusoo beegmay
xilli xildhibaanno ka tirsan golaha baarlamaank Soomaaliya ay mooshin ka dhan
ah xukuumadda u gudbiyeen baarlamaanka kaasoo ay saxiixeen 129 xubnood,
inkastoo qaar ka mid ah ay sheegeen inay ka laabteen go’aankoodaas.
Ma jiro weli hadal kasoo baxay dhinaca
xukuumadda Soomaaliya oo ah sida ay u arago mooshinka laga gudbiyay oo
guddoonka baarlamaanka Somalia uu sheegay inuu yahay mid sharci ah oo buuxiyay
shuruudihii loo baahnaa oo dhan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya