4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2013
Bandhig dhaqameed lagu soo Bandhigay Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida oo Magaalada Nairobi lagu qabtay (SAWIRRO)
Culture Night 2013 by SYAO (26).jpg
Talaado, May 21, 2013 (HOL) - Xaflad lagu soo bandhigay hidihii iyo dhaqankii soo jireenka ahaa ee Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay hotelka Liaco Regecny ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xafladan oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururka udoodo xuquuqda dhalinyarada Soomaaliyeed ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano SYAO.

Bandhig dhaqameedkan ayaa waxaa  ka soo qeybgalay  dadweyne  farabadan oo ka kala socday bulshada qeybaheeda kala duwanaa.

Goobta Bandhig dhaqameedka  ayaa waxaa lagu xardhay agabkii Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, calanka Soomaaliya, Halku dhigyo Hidaha iyo Dhaqanka ka tur jumayay iyo dhamaan sharaxaadii farshaxanka.

Kooxda Shamsudiin Ban ayaa goobta ku soo bandhigay dhamaan ciyar dhaqameedyada Soomaalida sida Heeso, Ciyaaraha Hidaha dhamaan gobolada dalka laga ciyaaro , Agabka Hidaha, Dharkii hida, Majaajilooyin qosol lahaa, Riwaayado iyo Sheekooyin ifinayay Hidiha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Dhamaan ka qeyb galayaashii kala duwanaa ee ka soo qeyb galay Xaflada ayaa si aad ah ula dhacay agaasinka iyo qaban kaabada Xaflada Lagu soo Nooleynayay Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Culture Night 2013 by SYAO (17).jpg

Qeybaha dhexe ee bandhiga ayaa waxaa daadihinayey Abwaan Idaajaa oo ah Abwaan Soomaaliyeed oo caan ku ah taarikhaha dhaqanka iyo suugaanta , waxaana uu daadihiyey barnaamij loogu magac daray “Su’aalaha dhaqanka “ oo lagu bixiyey hadiyado kala duwan sida Laptopyo , taleefoonada gacanta, saacado , dhar hidaha iyo dhaqanka ah barfuuno iyo lacag .

Dadkii ka soo qeybgalay munaasabada bandhig dhaqameedkan ayaa aad ula dhacay , waxaana dadki goobta joogay ka mid ahaa qunsulka safaarada Soomaalida ee Kenya Siyaad Shire , safiirka Soomaalida ee Senegal  Owliyo , xildhibaano , safiirada Uganda iyo D Jabuuti Soomaaliya u fadhiya iyo gudoomiyaha SYAO Mohmed Cajiib .

Mohamed Cajiib ayaa dadweynihi iyo siyaasiyiinti soo xaadirtay u sharxay sida SYAO uga go’antahay ilaalinta dhaqanka iyo hidaha soo jireenka si jiilalka lumay 20-kii sano ee la soo dhaafay maanka ay ugu hayaan , waxaana uu sheeay in bandhiga filim ahaan loo soo galin doono aaladaha la daawado ee internetka si Soomaali badan ah uga faa'iidaystaan.

Culture Night 2013 by SYAO (27).jpg
Culture Night 2013 by SYAO (10).jpg
Culture Night 2013 by SYAO (15).jpg
Culture Night 2013 by SYAO (25).jpg
Culture Night 2013 by SYAO (8).jpg
Culture Night 2013 by SYAO (9).jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya