4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2013
Beellaha Gobolka Hiiraan oo Ballan-qaaday inay Hubkooda kusoo Wareejin doonaan Maamulka Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Marka laga soo tago howlgalka ciidamada maamulka gobollka Hiiraan ay ka wadaan xaafaddaha magaalada Baladweyne, dhinaca waxaa soconaya kulamo kula duwan oo ay leeyihiin mas'uuliyiinta maamulka gobollka, saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo odayaasha beellaha dega gobollka Hiiraan kuwaasoo qeyb ka ah dadaal ballaaran oo maamulka iyo saraakiisha AMISOM ugu jiraan 22 sano kadib in bulshadu kaalin ku yeellato sugida amniga.

Kulan ballaaran oo ay ka qeyb-qaateen mas'uuliyiinta ugu sareysa maamulka, saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo odayaasha dhamaan beellaha ku dhaqan gobollka ayaa ka dhacay magaalada Baladweyne, waxaana kulankaa looga wada hadllay sidii hubka wali ku jira gacmaha shacabka ama beellaha loogu soo gacan gallin lahaa maamulka gobollka, si looga fogaado dhibaato amni oo ka dhaln karta hubkaas haddii uu ku sii jiro gacmaha dadka rayidka ah.

Taliyaha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM Col Cismaan Dubad oo ka hadllay kulanka ayaa uga mahad celiyay odayaasha sida ay mar walba u bar bar taagan yihiin ka shaqeynta amniga, isaga oo dhinaca kalana ku boogadiyay sida ay u aqballeen in wixii hub ah ee wali ku harsan beellaha lagu wareejiyo maamulka.

''Odayaasha runtii aad baan u amaanayaa, maxaa yeellay waa kuwo mar walba u taagan sidii ay bulshadani amni iyo xasilooni u halli laheyd, waayo nabad-galyada wax ka horeyn kara ma jiraan, sidaa daraadeed wada shaqeyntooda waan ka mahad celineynaa,'' ayuu yiri Col Cismaan Dubad.

Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo la hadllay odayaasha kulanka ka qeyb-gallay ayaa sharaxay muhiimada ay leedahay in ciidamada oo kaliya hubka gacanta ugu jiro, iyo dhibaatada ka dhalan karta haddii cid kasta ay si gaar ah hub ugu heysato gurigeeda ama goobteeda ganacsi.

 

'Bulshada waa in ay kaalin ku yeellataa sugida amniga, annaga waxaan rabnaa in aan fursad u siino qeybaha bulshada kaalinta ay ka geysan karaa arintan, madaama la og-yahay in maamul iyo ciidan toona kaligood waxba qaban karin haddii aysan shacabku la shaqeyn, sidaa daraadeed odayaasha waxaan ognahay in ay yihiin qeyb muhiim ah oo bulshada ka tirsan, sidaa daraadeed waxaan rajeynayaa in aan wada jir u wada shaqeyn doono, waayo nabad-galyada cid gaar ah oo ay dan  ugu jirto malaha annaga oo dhan ayaa u baahan, gacanna waad nagu sii doontaa siddii shacabkan amni u helli lahaa,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay guddoomiyaha in 22 sano kadib bulshada dib loogu celiyo sugida amniga, isaga oo sheegay in talaabada ugu horeysa ee la qaadayo tahay sidii hubka loogu wareejin lahaa gacanta ciidamada oo ah sida kaliya oo ay bulshadu amaan ku helli karto.

Odayaashii kulanka ka qeyb-gallay ayaa siweyn u soo dhaweeyay soo jeedinta maamulka iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti, iyaga oo ballan qaaday in ay kala shaqeynayaan ciidamada dadaalka amniga lagu sugayo, gaar ahaan in hubka b beellaha lagu soo wareejiyo gacanta maamulka.

Dhinaca kale, saraakiisha ciidamada booliiska maamulka gobollka Hiiraan ayaa mar ka soo saaray in aan lagu dhax arki karin magaalada qof ku labisan dareyska shacabka oo hub ku dhax sita, iyaga oo sheegay in qof arintaa lagu hello xitaa haddii uu ciidamada ka tirsan yahay laga qaadi doono talaabo adag oo sharciga waafaqsan.



 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya