Cabdiraxmaan Cirro “Somaliland waxay diyaar u tahay in Jaarkeeda Nabad ay kula Noolaato; Qaranimadeedana difaacato”
Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed
Cabdilaahi Cirro, ayaa sheegay inuu madaxweynaha Soomaaliya dhaawacay qodobadii
Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen shirkii Ankara ee Turkiga.
Gudoomiyuhu wuxuu tilmaamay inay
Somaliland xaq u leedahay inay difaacdo qarankeedda, isla markaana xuduudaheedda ilaashato cid kasta oo
ku gardaraysatayna ay iska difaacayso. Waxa kale oo uu sheegay in Qaramadda
midoobay dastuurkeeddu tilmaamayo in umadda kasta xaq u leedahay aayo ka
tashiga aayahooga, sidaa darteed wuxuu ka codsaday inay ixtiraamto
dastuurkeedda.
“Waxaan u hamabalyeyna shacabka soo
bandhigay dareenkooda dhabta ah, waxay muujiyeen inay qaranimadooda daafacayaan, Somaliland
taariikhdeedda wax la dafiri karo maaha, Somaliland gobonimada waxay qaadatay
1960, 26 june Soomaaliyana way ka hor qaadatay gobonimadii wayna ka da’ wayn
tahay”ayuu yidhi gudoomiyaha golaha Wakiilada C/raxmaan Cirro oo xafiiskiisa
kula hadlayey warbaahinta, waxanu intaas ku daray.
“Somaliland iyada go’aansatay
inay ku biirto Soomaaliya, dhibaato badan ka dib waxay go’aansadeen inay dib
ula soo noqdaan xoriyadoodii, waana go’aan shacab cid kasta oo mugdi kaga jirto
inuu shacabku ka noqon karo go’aankaasi, ama madaxweynaha Soomaaliya ha noqdo ama cid kale ha noqoto wuxuu
shacabku shalay muujiyey inaan dib u noqasho suurtogal ahayn, Somaliland maaha mid cidi sheegan karto waxay
u diyaar u tahay inay nabadgalyo kula noolaato jaarkeeda, haseyeeshee waxay
diyaar u tahay inay qaranimadeeda siday u daafici jirtay u daafacdo, Soomaaliya
iyo Somaliland wada hadal baa u socday, mabdi’yan in la wada hadlo waanu ogol
nahay, laakiin waxa loo wada hadlayaa laba qaran oo siman, waxa qodobaddii
Ankara ka mid ahaa wixii wada hadalka xaajimaynaya laga fogaado, waxa ka
mid marka madaxweynaha Soomaaliya iyo cid
kale arintaasi ka fakiraya waxaan uga digaynaa inay arrintaasi ka fogaadaan
dareen diidmo ah iyo go’aan diidmo ah ayaa cid kasta oo gooni isku taaga
Somaliland ka soo horjeeda ku diidayna
dhawaaq dheer baanu ku diidayna, waxaanu jecelnahay in dalalka jaarka ah ay
nabadgalyo kula dhaqano, waxa ka rajaynaa inay ixtiraamaan go’aanka shacabka,
waxaan loola hadlayaa in si nabadgalyo ah loo kala baxo.” .
“Qaranka Somaliland mid cidi sheegan
karto maaha, go’aanka shacabkana wax laga qaban karaa ma jirto, Soomaaliya
waxay doonaysaa inay Soomaaliya midayso,laakiin Somaliland kuma jirto oo markii
horaba qayb kamay ahayn ee way ku biirtay, si cadna waanu u sheegnay waana
cambaaraynaa wax kasta oo qaranimad Somaliland ka hor imanaya cid ku kacda,” ayuu
yiri mar uu ka hadlayey hadalkii madaxweynaha Soomaaliya ka sooyeedhay.
Mar uu ka hadlayey dastuurka UN-ta waxa
uu yidhi: “Qaramadda midoobay waxa dastuurkeeda kamid ah inay dadku aayahooda
ka tashan karaan, Somaliland way ka duwan yihiin kiiskeeda oo wuxuu ahaa qaran
madax banaan oo gobonimadda qaadatay waxaanan ka codsanaynaa inay ixitaamo
dastuurkeeda oo si cad ugu qorantahay”.
“Madaxda
Soomaaliya waxaan u jeedinaya in aanay ku riyoonin inay Somaliland qayb ka
tahay, qaranka Somaliland wuxu xaq u leeyahay inuu si diblimaasiyadeed isku
difaaco inuu xuduudihiisa difaaco inuu qaramadda midoobay iyo wadamadda
jaarkeedda xidhiidh fiican la yeelanno , dhinac walba way iska difaacaysaa,
waxaana qabaa inay qodobadda lagu heshiiyey dhaawacday, inkastoo aanu burburin,
waxay xaq u leenahay in aanu is difaacno”ayuu hadalkiis ku soo xidhay.
Dhinaca kale, La Taliyaha Siyaasadda
Arimaha Dibedda Madaxweynaha Somaliland Dr. Cumar Dixood, ayaa isna ka hadlay
hadalkii ka soo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya, waxaanu yidhi “ Xasan Sheekh Maxamuud
haddii uu leeyahay Xamar iyo agagaarkeeda ayaan Madaxweyne ka ahay waa laga
yaaba laakiin Madaxweyne Somaliyeed oo sheegan kara Madaxweynaha Somaliland iyo
Somalia ma jiro mana jiridoono waa inuu iska daayo Xasan Sheekh Maxamuud
Riwaayadda uu metelaayo,midna waan idiin sheegaya oo Somaliland markii ay
1960-kii Gobonimadeeda qaataday waxa ay u tagtay dal Madaxweyne uu ka yahay
Aadan Cabdale Cismaan oo Madaxweyne kaliya ayay lahaayeen, balse hadda Xibin
iyo Xeeb Madaxweyne ayay sheeganeysa, Mudug State oo Madaxweyne uu ka yahay
Cabdi qaybdiid ayaa isaguna jira, Garoowe Cabdiraxmaan Faroole ayaa Madaxweyne
Sheeganaaya,Meesha la yidhaahdo Kismaayo oo magaaladda Muqdisho dacalkeeda ah
ayayna xukumin oo intaas yar ee magaaladda hareeraheeda oo Kenya u xoraysay
Saddex Madaxweyne ayay leedahay ”.
Si kastaba ha ahaatee, waxa maalmihii
dhowaa iska soo daba dhacayey masuuliyiin cambaaraynayey hadaladii madaxweynaha
Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud uu sheegay inay Somaliland ku soo biirto Soomaaliya,
isla markaana caadifadda ay ka soo noqoto, taas oo dad badan ka cadhaysiiyey.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland