4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 20, 2013
Kulan looga Hadlay Xoojinta Ammaanka Gobolka Banaadir oo Maanta lagu qabtay Degmada Yaaqshiid (SAWIRRO)


Isniin, May 20, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayay ammaanka ayaa maanta ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo kulankan ujeeddadiisu ay ahayd sidii dhallinyarada uga qayb-qaadan lahaayeen adkeyn ammaanka degmada Yaaqshiid iyo guud ahaan gobolka Banaadir.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD ayaa waxaa ka qayb-galay maamulka degmada Yaaqshiid, mas'uuliyiin iyo dhallinyaro ka kala socday degmooyinka gobolka Banaadir oo dhan.

Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid, Muxiyadiin Xasan Jurus oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa dhallinyaradii kulankaas kasoo qaybgalay ku boorriyay inay ka qaybtaan sugidda ammaanka degmadooda, isagoo ugu baaqay inaan loo adeegsan hurinta colaadaha.

"Dhallinyarada ayaga loo adeegsaday wax walba, maantana waxaa rabnaa inay door ka qaataan adkeynta nabadgelyada, waxaan socda howlihii lagu sameyn lahaa dariseynta iyo sidii tirakoob loogu sameyn lahaa degmada, meel fiican ayay mareyaan," ayuu yiri Muxiyadiin Jurus.

Guddoomiye Jurus ayaa intaas ku daray inay wadaan howlo ay dib u dayactir ugu sameynayaan degmada, dibna ugu soo celinayaan bilicda degmadaas ay lahayd, isagoo ugu baaqay dhallinyarada wada-shaqeyn iyo iskaashi.

 

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf oo isagna hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in sida kaliya ee nabadda lagu xoojin karo ay tahay in dhallinyarada isku xirnaadaan ayna sameystaan goobo ay ku kulmaan, ugana warbixiyaan xaaladda ka jirta degmadooda.

Yuusuf ayaa intaas ku daray in degmo walba ammaankeeda ay sugi karaan dhallinyarada, haddii ay gacan ku siiyaan ciidamada amniga, lagana hortago kooxaha nabadda kasoo horjeeda, wuxuuna xusay in haddii nabadgelyada la xaqiijiyo ay degmo walba heleyso adeegyadeeda aas-aasiga ah.

Guddoomiyaha dhallinyarada degmada Yaaqshiid, Cabdullaahi Raage Axmed ayaa sheegay in sida kaliya ee loo wacyi-gelin karo dhalliyarada ay tahay in loo maro waalidka, isla markaana xiriir lala sameeyo si ay wacyigelinta qayb uga qaataan.

Kulankan ayaa intii uu socday ayaa dhallinyaradu waxay galeen doodo ku saabsan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen nabadda, iyadoo lix koox oo loo qaybiyay dhallinyarada ay kusoo bandhigeen fikrado iyo talooyin ku aaddan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen sugidda mmaanka.

Ugu dambeyn; kulanka waxaa soo xirtay guddoomiye ku-xigeenka degmada Yaaqshiid, Raxmo Daahir Siyaad iyadoo sheegay in dhisidda nabadda ya ka qaadan karo qayb weyn mustaqbalka dhalliyarada gobolka Banaadir.

Hay'adda CCD ayaa maalmahan wadday dood-cilmiyeedyo iyo siminnaaro ay ku qabanaysay degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasoo loogu sameynayay dhallinyarada wacyi-gelinno ku saabsan dhisidda nabadda.



 

 Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya