Doorashada Golayaasha Deegaanka ee Puntland oo mar kale dib loo dhigay Muddo Shan iyo Toban Maalmood ah
Isniin, May 20, 2013 (HOL) — Waxaa dib loo dhigay wakhtiga ay Puntland ka
qabsoomi doonto doorashada goleyaasha deegaanka, kaasoo horay ay guddiga KMG ah
ee doorashooyinku shaaciyeen inuu ku beegan yahay 30-ka bisha soo socota ee
Juun.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Prof.
Maxamed Xasan Barre oo gelinkii danbe ee shalay war-baahinta kula hadlay
magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa sheegay in doorashadu ay
wakhtigii horay loogu qabtay dib uga dhici doonto muddo 15-maalmood ah.
Tallaabadan ayuu guddoomiyuhu ku
sababeeyey in guddigu uu u qaaday, si uu uga jawaabo codsi ay horay usoo
dirsadeen ururada siyaasadda, kuwaasoo dalbaday in la kordhiyo wakhtiga ay ku
egtahay qabashada araajida musharrixiinta.
Prof. Barre ayaa intaas raaciyey in
codsiga ururada siyaasadda ay u gudbiyeen madaxweynaha, madaxweynuhuna uu ka
ogolaaday in wakhtiga ay ku egtahaya qabashada araajida musharrixiinta la
kardhiyo, taasina ay sababtay in wakhtigii horay doorashada loogu asteeyey uu
isbeddel ku yimaado.
15-ka bisha Julay ee soo aadan ayuu
guddoomiyaha guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinku uu sheegay in uu
noqonayo wakhtiga loo dareeri doona doorashada, isagoo ugu danbeyntii xusay in
geedi socodka dimuqraadiyadda Puntland uu si habsami leh ku socdo.
Isbedelka ku yimid xilliga ay doorashada
goleyaasha deegaanka –oo noqonaysa tii ugu horeysey ee nooceeda ah- ay ka
qabsoomeyso deegaanada Puntland, wuxuu kusoo beegmaysaa xilli qaar kamid ah
lixda urur-siyaasadeed ee rasmiga ah ee ka jira Puntland ay qaadaceen in ay
doorashada ka qayb galaan.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan
Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya