4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 20, 2013
Doorashada Golayaasha Deegaanka ee Puntland oo mar kale dib loo dhigay Muddo Shan iyo Toban Maalmood ah


Isniin, May 20, 2013 (HOL) — Waxaa dib loo dhigay wakhtiga ay Puntland ka qabsoomi doonto doorashada goleyaasha deegaanka, kaasoo horay ay guddiga KMG ah ee doorashooyinku shaaciyeen inuu ku beegan yahay 30-ka bisha soo socota ee Juun.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Prof. Maxamed Xasan Barre oo gelinkii danbe ee shalay war-baahinta kula hadlay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa sheegay in doorashadu ay wakhtigii horay loogu qabtay dib uga dhici doonto muddo 15-maalmood ah.

Tallaabadan ayuu guddoomiyuhu ku sababeeyey in guddigu uu u qaaday, si uu uga jawaabo codsi ay horay usoo dirsadeen ururada siyaasadda, kuwaasoo dalbaday in la kordhiyo wakhtiga ay ku egtahay qabashada araajida musharrixiinta.

Prof. Barre ayaa intaas raaciyey in codsiga ururada siyaasadda ay u gudbiyeen madaxweynaha, madaxweynuhuna uu ka ogolaaday in wakhtiga ay ku egtahaya qabashada araajida musharrixiinta la kardhiyo, taasina ay sababtay in wakhtigii horay doorashada loogu asteeyey uu isbeddel ku yimaado.

15-ka bisha Julay ee soo aadan ayuu guddoomiyaha guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinku uu sheegay in uu noqonayo wakhtiga loo dareeri doona doorashada, isagoo ugu danbeyntii xusay in geedi socodka dimuqraadiyadda Puntland uu si habsami leh ku socdo.

Isbedelka ku yimid xilliga ay doorashada goleyaasha deegaanka –oo noqonaysa tii ugu horeysey ee nooceeda ah- ay ka qabsoomeyso deegaanada Puntland, wuxuu kusoo beegmaysaa xilli qaar kamid ah lixda urur-siyaasadeed ee rasmiga ah ee ka jira Puntland ay qaadaceen in ay doorashada ka qayb galaan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya