4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 20, 2013
Munaasabado lagu kala Taageerayay sadex ka mid ah Madaxweynayaasha Jubaland oo ka dhacay Ingiriiska (SAWIRRO)


Isniin, May 20, 2013 (HOL) — Saddex xaafadood oo ka tirsan magaalada Birmingham oo ah caasimadda labaad ee Britain ayaa xaflado lagu kala taageerayo saddex madaxweyne oo ka mid ah madaxweynayaasha kaga dhawaaqay Kismaayo inay hoggaan u yihiin maamulka cusub ee Jubaland.

Xafladda hore oo lagu taageerayay Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa ka dhacday Regent Park Banqueting Hall xafladdaas oo ahayd mid si wanaagsan loosoo abaabulay, waxaana goobta ka hadlay Maxamed Macallin iyo Ugaas Maxamed Cabdiqani, iyadoo sidoo kale uu kaga qaybgalay dhinaca taleefoonka madaxweyne ku-xigeenka Jubaland, C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).

 

Xafladda labaad oo ahayd mid lagu taageerayay Cabdi Baaley Xasan oo ka mid ah madaxweynayaasha Jubaland ayaa ka dhacday Maqaayadda Hillaac ee isla magaalada Birmingham; waxaana hadallo ka jeediyay, Dr. Muuse, Yusuf Dhegtey iyo Jen. Ufruw.

Xafladda saddexaad oo iyadana lagu taageerayay Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa ka dhacday maqaayadda Mubaark, waxaana kasoo qayb-galay dadweyne aad u fara badan, iyadoo dadkii halkaas ka hadlay ay ka mid ahaayeen: Odawaa Xuseen iyo Cali Cabdul.

Munaasabadahan lagu taageerayay saddex ka mid ah madaxweynayaasha Jubaland ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee ka dhaca dalka dibaddiisa, iyadoo ay tani muujinayso in madaxweynayaasha maamulkaas ay dibadda ku leeyihiin taageerayaal kala duwan.

Tirada madaxweynayaasha ku dhawaaqay inay hoggaaminayaan Jubaland ayaa waxay sii maraysaa shan madaxweyne, taasoo keentay in xaaladda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ay noqoto mid aad u cakiran.

 

Sandhool A. Geele
Birmingham, Britain