4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2013
Guddoomiyihii Degmada Dayniile oo laga qaaday xilka iyo mas'uul cusub oo loo magacabaay xilka Guddoomiyaha Degmada

Khamiis, May 02, 2013 (HOL) — Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya ayaa xil ka qaadis ku sameysay guddoomiyihii degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, Daahir Xasan Xuseen, iyadoo xilkaas u magacowday gudodomiye cusub.

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in xarunta degmada Dayniile ay ka dhacdo xaflad xil-wareejin ah oo ay ka qaybgalayaan mas’uuliyin ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana xilka la wareegi doona guddoomiyaha cusub ee degmadaas loo magacaabay Xiireey Muxyadiin.

“Waxaan ku faraxsannahay in xilka la iga qaado, waxaana diyaar u ahay inaan ku wareejiyo xilka guddoomiyaha cusub ee lasoo magacaabay, waayo waxaa rumeysanahay inay iga harayso mas’uuliyad culus,” ayuu yiri Daahir Xasan oo saakay warbaahinta la hadlay.

Degmada Dayniile oo dhinaca waqooyi-galbeed ee Muqdisho ku taalla ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay dagaallada culus ku dhex-mareen ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab, inkastoo ugu dambeyn ay laga fara-maroojiyay Al-shabaab.

Qorshahan xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Dayniile ayaa wuxuu ka mid yahay qorshayaal ay wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka gobolku ku doonayaan inay wax kaga bedelaan maamullada degmooyinka gobolka Banaadir.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii maamulka gobolka Banaadir uu soo saaray wareegto uu xilka kaga qaaday guddoomiye ku xigeenkii degmada Dharkeynleey, Yuusuf Ibraahim Axmed (Yuusuf Kabaale), isagoo diiday xil-ka-qaadista lagu sameeyay.

Gobolka Banaadir oo ka kooban 16-degmo ayaa waxaa gabi ahaan gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya, inkastoo xoogagga Al-shabaab ay ka fuliyaan qorshayaal isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya