4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2013
Al-shabaab oo Bayaan ay soo saartay ku Shaacisay in Dhexdooda ay kasoo baxeen Kooxo kala dhantaalaya Midnimadooda

Axad, May 19, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa bayaan ay soo saartay maanta waxay ku sheegtay inay gudahooda kasoo baxeen kooxo ujeeddadoodu tahay inay kala dhantaalaan safka xoogaggooda dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada taageeraya.

Bayaankan oo lasoo dhigay baro Internet oo taageersan Al-shabaab ayaa lagu sheegay in kooxahaas ay meel kaga dheceen hoggaanka sare ee Al-shabaab si ay u kala dhantaalaan wadajirka Al-shabaab iyo awoodda xoogaggooda dagaallada ku jira.

“Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa aragnay codka qaar ka mid ah fidno-wadayaasha oo sare u soo baxaya, kuwaasoo ummadda khilaaf kala dhex-dhigaya si midnimadoodii loo waayo, meeshana uu ka baxo wadajirkoodii, innagoo og in diinta Islaamku ay reebtay kala tagga iyo kala furanka,” ayaa lagu yiri bayaanka Al-shabaab kasoo baxya.

Sidoo kale, bayaanka oo ku qornaa luuqadda Carabiga ayaa lagu sheegay in ayaa lagu sheegay in Al-shabaab iyo dagaalyahannada kale ee caalamka ka dagaalamaya ay ku taagan yihiin jidka saxda ah ayna ummadahooda ugu adeegayaan adkeynta shareecada Islaamka, xaqiijinta cadaaladda, ayna sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan cadowgooda.

Qoraalka kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu yiri: “Waxba yaan la dhaawicin kalsoonida aad ku qabtaan hoggaankiinna oo aan ka leexan jidkii xaqa ahaa ee ay horay ugu taagnaayeen. Way sii wadayaan naf-hurnimadooda way sii soconaysaa cadowgooduna wuu badanayaa. Sidii aad kaga barateenna ma reebanayaan dadaal illaa ay calanka towxiidka ka gaarsiiyaan caalamka oo dhan dibna loosoo celiyo khilaafadii Islaamka.”

Al-shabaab ayaa sidoo kale ku sheegtay qoraalkeeda markii ay guul-darro ku dhamaadeen shirqoolladii dibadda laga soo maleegayay in fidno abuur laga billaabay gudahooda si loo kala dhantaalo awoodda xoogagga Al-shabaab.

Ugu dambeyn, bayaanka kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in lagu faafiyay warar been abuur ah qaar ka mid ah bogagga Internet-ka, kuwaas oo ay ku sheegeen inay yihiin kuwo been abuur ah la doonayo in lagu kala dhantaalo awoodda xoogagga Al-shabaab oo hadda maraysa meel aad uga xoog badan sidii ay shalay ahayd.

Bayaanka laguma sheegin cidda iyo kooxda ay Al-shabaab ula jeeddo inay ku howlan yihiin kala dhantaalidda awooddooda, iyadoo la xusuuto in maalin ka hor ay warbaahintu baahisay cod uu soo duubay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-shabaab, isagoo dhaleeceynaya amiirka Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaan Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr.

Sheekh Xasan Daahir ayaa codka lasoo dhigay bar Internet ku sheegay in ciddii ka hortimaadda fikaradaha hoggaamiyaha Al-shabaab Sheekh Abuu-Zubeyr ay noqonayso dambiile lana beegsanayo si loo dilo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya