4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2013
Guddi ka socda Ururka IGAD oo isku dayaya inay xal dhameystiran u helaan Muranka Siyaasadeed ee Jubbooyinka

Axad, May 19, 2013 (HOL) - Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo ay Soomaaliya xubin ka tahay ayaa isku dayaya inay isu soo dhaweeyaan dhinacyada ku lugta leh, khilaafka siyaasadeed ee ka taagan jubbooyinka.

Waxaana wafdigan oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo u suuragashay inay kulamo la qaataan wafdi ka socday dawlada federaalka ah ee Soomaaliya oo horay ugu sugnaa magaalada Kismaayo.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo kamid ah xubnaha wafdiga dawlada oo Hiiraan Online khadka taleefanka ugu warramay isagoo ku sugan Kismaayo ayaa faahfaahin naga siiyay sida wadahalladu ay u socdaan.

Waxaana xildhibaanku uu rajo ka muujiyay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka Jubbooyinka oo maalmihii lasoo dhaafay cirka isku shareeray kadib markii ay dawlada Soomaaliya ka biyo diiday doorashadii lagu doortay Axmed Maxamed Islaan iyo Col. Barre Hiiraale oo isna ku dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha Jubbaland, taasoo dhalisay cabsi laga qabo in gacan ku haynta magaalada Kismaayo lagu dagaallamo.

Xoosh ayaa sheegay in wafdiga IGAD ay la kulmeen dhammaan dhinacyada ku lugta leh, khilaafkaas ayna ku rajo waynyihiin in xal laga gaaro hadii la meelmariyo talooyinka ay soo jeediyeen gudiga ka socda dawlada Soomaaliya.

"Waxaan u gudbinay mawqif cad oo ku aadan sida wax u socdaan, waxaanan dalbanay in dhammaan dhinacyadu u hogaansamaan, dastuurka dalka u yaalla, lagana gudbo wax kasta oo keeni kara in dhiig daato" ayuu yiri Xoosh.

"Maxbuub oo gudiga IGAD hogaaminaya ayaan u gudbinay aragti dhammaystiran oo xalka lagu gaarayo, arrintana meel wanaagsan ayay maraysaa" ayuu sii raaciyay.

Magaalada Kismaayo ayaa maalmihii lasoo dhaafay ay ku sii qulqulayeen wufuud isku dayaysa in xal loo helo muranka siyaasadeed, waxaana maamulka KMG ah ee ka taliya Kismaayo iyo ciidamo taabacsan dawlada Federaalka ay ku wada suganyihiin magaalada, Taasoo cabsi ku abuurtay dadweynaha deegaanka.

Dawlada Federaalka ah ayaa ku tilmaantay maamuladii looga dhawaaqay Kismaayo inay ahaayeen kuwo lagu marin habaabinayo shacabka, Waxaase doorashada Sheekh Axmed Madoobe taageero u muujiyay hogaanka maamullada Puntland iyo dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo labaduba doorashadaas ku tilmaamay inay hayd mid u dhacday si wanaagsan, halka Barre Hiiraale oo horay u ahaan jiray wasiirkii gaashaandhigga Soomaaliya uu isna shaaciyay in loo doortay hogaanka gobollada Jubbooyinka.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya