4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2013
Soomaalida ku nool Mareykanka oo dadaal ugu jira sidii ay uga dhex-muuqan lahaayeen maamulka iyo siyaasadda (SAWIRRO)


Axad, May 19, 2013 (HOL) — Dalka Mareykanku waxaa uu ka mid yahay meelaha ay Soomaalidu magangashay markii gudaha dalkooda ay dhibaatada colaadeed ka dilaacday, qarankiina burburay, waxaana ay ku kala nool yihiin gobolada kala duwan, gaar ahaan Minnesota oo lagu tilmaamo in ay tahay halka ay Soomaalida ugu badan isku soo urursadeen.

Inkastoo ay soogalooti ku yihiin wadanka, islamarkaana ay daris iyo deegaan la noqdeen bulsho aysan dhaqan iyo luuqadba wadaagin, hadana waxaa ay isku deyeyaan in ay qeyb ka noqdaan hab-nololeedka mujtamaca, sida siyaasadda, waxbarashada iyo wax-soo-saarka intaba.

Waxaa ay bilaabeen in ay ka mid noqdaan nidaamka maamulka iyo xaafiisyada dalka looga taliyo, iyadoona dhowrkii sanno ee ugu dambeysay shaqsiyaad badan oo Soomaali ah ay isku soo taageen qabashada mas’uuliyadda xilal iyo xaafiisyo kala duwan, kuwaasi oo qaar ka mid ah ay ku guulaysteen.

Cabdiqaadir Yaasin Warsame, oo ah nin dhalinyaro Soomaali ah, ayaa todobaadyo ka hor ku guulaystay cod-bixinta doorasho horu-dhac ah oo loo galay guddi-hoosaad mid ka mid ah xaafadaha magaaladda Minneapolis, halka Murshid Cabdi Baaruud, oo isuguna Soomaali ah uu maanta ku dhaawaqay in uu tartamayo in u xubin ka noqdo guddiga maamula waxbarashada xaafadda Eden Prairie oo ka mid ah meelaha ay Soomaalidu ku nooshahay gobolka Minnesota.

 
Murshid Cabdi Baarud, oo la taliye u ah xisbiga Jamhuuriga, xilalna ka soo qabtay xisbiga gudihiisa, ayaa Soomaalidii iyo dadkii kale ee ka soo qeybgalay munaasibaddii murashaxnimadiisa waxaa uu ka codsaday in ay ku taageeraan tillaabo waliba oo u suuro-gelinaysa in ay guushu raacdo, islamarkaana uu ku soo baxo doorashada, sida cod iyo dhaqaale intaba, isagoo ballan-qaaday in haddii uu guulaysto uu ka shaqeyn doono danaha iyo baahida waxbarasho ee ay qabaan dadka ku dhaqan xaafadda uu u tartamayo, gaar ahaan Soomaalida.

“Waa nasiib xumo in ilmahaaga oo aad muddo ka badan 12 sanno ku dadaalaysay, maalintii qalin-jabintiisa lagugu wargeliyo in uu imtixaankii ku dhacay. Haddaba si aan taasi uga badbaadno, waxaa lama huraan ah in aan meeshaasi geysano qof Soomaali ah oo inaga na matala,” ayuu yiri Murshid Cabdi Baaruud.

Iskuullada ku yaala magaaladdan Eden Prairie ee gudigeeda waxbarashada u tartamayo Murshid Cabdi Baaruud, ayaa waxaa la qiyaasaa in ay dhigtaan in ka badan 600 oo arday Soomaaliyeed ah.


Siyaasiin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo iyaguna madashaan ka soo qeybgalay ayaa dadka Soomaaliyeed ku bogaadiyey dadaalka iyo firfircoonida ay sameeyeen markii ay wadankaan yimaadeen, sida in ay abuureen fursado ganacsi, iyagoo ka codsaday in ay taageeraan shaqsiyaadka Soomaalida ah ee ku hamminaya in ay ka mid noqdaan maamulka dalka, sida Murshid Cabdi oo kale.

Walow dadaal iyo caqabado badan ka sokeeyaan, hadana haddii uu Murshid guulaysto waxaa uu noqonayaa qofkii labaad oo Soomaali ah oo xubin ka noqda guddiyada waxbarashada ee jira magaalooyinka gobolka Minnesota. Horray waxaa markii ugu horreysay jagadaan mid la mid ah ugu guulaystay Xusseen Samatar, oo noqday qofkii ugu horreeyey oo soo-galooti ah oo xubin ka noqda guddiga waxbarashada ee magaalada Minneapolis.

Labo maalin ka hor waxaa iyaduna magaaladda Lewiston ee gobolka Maine ee dalka Mareykanka ku guulaysatay in ay xubin ka noqoto guddiga waxbarashada ee magaaladaasi Zamzam Maxamuud oo ah gabar Soomaaliyeed.





Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Eden Prairie, Minneapolis