3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2013
Mas'uuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan oo Kormeeray deegaano ku yaala Duleedka Magaalada Baladweyne (SAWIRRO)


Sabti, May 18, 2013 (HOL) — Xubno ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan uu horkacayo guddoomiyaha maamulka gobollka Cabdi Faarax Laqanyo  ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay kormeer ku tagay deegaanno ka baxsan magaalada Baladweyne iyaga oo u kuur-galaya xaalada nabad-galyo iyo tan nolalleed  deegaannada gobollku ka kooban yahay.

Sidoo kale, waxaa kormeerka qeyb ka ahaa saraakiisha ciidamada maamulka gobollka Hiiraan oo isugu jiray militari iyo booliis, saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM, odayaal dhaqameed iyo waxgarad ka kooban qeybaha bulshada gobollka wada degta.


Mas'uuliyiinta uu horkacayay guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan ayaa socdaal ku soo maray Kala-beyr, Beergadiid, Jawiil, Jiracle iyo deegaanno kale, iyaga oo kulamo kala duwan halkaa kula soo qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka halkaa ku dhaqan.

Kulammo kala duwan oo dhaxmaray mas'uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan iyo odayaasha deegaannada la booqday, ayaa waxaa looga wada hadllay arrimo u badnaa amniga oo ay si gaar ah diirada u saarayeen xubnaha maamulka gobollka.

Odayaasha ayaa ku war-galliyay guddoomiyaha gobollka Hiiraan iyo mas'uuliyiinta booqashada ku wehlisay in nabad-galyada deegaannada ay ku nool yihiin tahay mid wanaagsan, wax kasta oo amniga xumeyn karana mar walba u taagan yihiin odayaashu in ay wax ka qabtaan.

Guddoomiyaha maamulka gobollka Cabdi Faarax Laqanyo oo u sharaxay bulshadii uu la kulmay ujeedada socdaalkooda ayaa sheegay in ay la xiriirto sidii ay wax badan uga ogaan lahaayeen nolasha dhabta ah ee ka jirta deegaannada ku jira gacanta dowladda xiligan ee gobollka Hiiraan, isaga oo si gaaar ah farta ugu fiiqay nabad-galyada oo uu sheegay in uu muhiimada koowaad siinayo maamulka uu hogaamiyo.

"Annaga kormeer ayaan ku socnaa, ujeedada socdaalkeenana mid ku saleysan in aan xog badan ka hellno nolasha dhabta ah ee bulshada ku dhaqan deegaannadan, haddii ay ahaan laheyd mid amni iyo bani'aadanimo intaba,'' runtiina aad ayaan ugu faraxsannahay sida ay isku abaabuleen dadka deegaannadan ku dhaqan oo runtii ay diyaarka ugu yihiin in ay maamulka kala shaqeeyaan wax kasta oo khal khal ku abuuri kala daganaashaha iyo xisiloonida bulshada,'' ayuu yiri guddoomiyaha gobollka Hiiraan oo bulshada la hadllayay.

Guddoomiyaha gobollka Hiiraan ayaa sheegay in  mar marka qaar ay dhici karaan falal nabad-galyo xumo oo inta badan ka dhashay muran dhinaca deegaannka ah ama dhul la kala sheegto oo si gaar ah ugu badan deegaannada Miyiga ah, sidaa daraadeed waxaa uu sheegay in maamulka marnaba aqbali doonin arrimaha noocaas oo kale ah si gaar ahna ay ula socon doonaan.

"Wey dhacdaan mar marka qaar waana la socnaa in ay jiraan khilaafaad ka dhashay dhulalka la kala xirto, ama ha ahaadaan dhul daaqsimeed ama ceelasha iyo baraagaha biyaha oo ah arin aan gobollka gaar u aheyn laakiin ka jirta deegaannada miyiga dhulka Soomaalidu ay degto oo dhan, laakiin annaga ka maamul ahaan arintaa qorshe ayaan nooga degsan, mana ogolaan doono colaad arrimaha noocaas oo kale ah ka dhalata in laga abuuro deegaannadan nabadu ka jirto,'' ayuu yiri guddoomiyaha gobollka.

Waxaa uu uga mahad celiyay odayaasha  sida ay ugu taagan yihiin ka shaqeynta amniga, isaga oo ballanqaaday in la garab taagan yihiin waxgaradka deegaannadaas wax kasta oo u sahli kara in sii ballaariyaan dadaalkooda la xiriira nabadeynta.

Dhinaca kale, guddoomiyaha waxaa uu soo hadal qaaday xaalada bani'aadanimo ee ka jira deegaannadaas, isaga oo sheegay in marar badan arrimahaas ay ka wada hadlleen hay'adda samafalka QM islamarkaana rajeynayo in sida ugu dhaqsiyaha badan bulshada loo gaarsiiyo kaalmada ay u baahan yihiin.

Mas'uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ay kormeerka ay ku tageen deegaannada ka baxsan magaalada Baladweyne, waxaa uu noqonaya kii ugu horeeyay tan iyo markii dhawaan lagu wareejiyay xilka, waxaana talaabada ay qaadeen siweyn u soo dhaweeyay odayaasha dhaqanka oo sheegay in ay wax weyn ka dari dooto xoojinta nabad-galyada.








C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya













Click here
5/18/2013 9:13 AM EST
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrimaha ka taagan Jubbooyinka, isagoo sheegay in waxyaabaha ka taagan ay qayb ka yihiin waxyaabihii ay muddada ka digaysay dowladda.

5/18/2013 8:42 AM EST
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — Dadweynaha Somaliland ayaa maanta u dareeray dabaaldega maalinta madaxbanaanidda Somaliland ee 18 May, kaas oo sanad walba laga xuso dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Kumanaankun oo shacabka magaaladda Hargeysa, ayaa saaka hiirtii waaberi ku soo kalahay wadada badhtamaha magaladda Hargeysa oo ay socod ku marayeen ciidamada kala duwan ee Somailand, ardayda jamaacadaha, dugsiyada iyo ururada bulshadda oo ay hor socdaan madax dhaqameedka gobolka Maroodi jeex.

5/18/2013 8:36 AM EST
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — Munaasibado iska soo horjeeda ayaa maanta ka dhacay gobolka Sool iyo deegaanka Cayn ee Buuhoodle, kuwaasoo dhamaantood ahaa kuwo lagu xusayay 18-ka May.

5/18/2013 4:19 AM EST
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — Wafdigii ka socday urur-goboleedka ee ku sugnaa Muqdisho ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay ka billaabi doonaan howl ay ku indho-indheynayaan xaaladda ka jirta magaaladaas.

5/18/2013 3:55 AM EST
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — AMISOM ayaa muujisay mowqifka ay ka taagan yihiin maamullada looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo u muuqda inay iska soo horjeedaan.