4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2013
Hay'adda HIRDA oo Magaalada Utrecht ee dalka Netherlands ugu Dabbaal-dagaysa Sannad-guurad 15-aad ee kasoo wareegtay Aasaaskeeda


Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Hay'adda HIRDA oo ka mid ah hay'adaha ugu waaweyn ee ka howlgala Soomaaliya ayaa howlo samafal ah ka fulisay gobollada Hiiraan, Galgaduud, Gedo iyo gobollo kale ku yaalla Soomaaliya.

Agaasimaha hay'adda HIRDA, Faaduma Faarax oo u warramaysay HOL ayaa sheegtay in ujeeddada kulankoodan uu yahay inay ku dhiirri-galiyaan ka qayb-galayaasha shirka gaar ahaan madaxda ka socotay dalka Netherlands in ay il gaar ku fiiriyaan dhibaatooyinka maanta ka jirta dalka Soomaaliya. Sidoo kale kulan ayaa ahaa mid ay hay'addu ku xusayso sannad-guuradii 15-aad  ee kasoo wareegtay markii la aasaasay.



Munaasabadda ayaa waxaa warbixinno ka soo jeediyay mas'uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen:
Wasiirka arrimaha dibadda ee Holland, Hans Sandee, oo xusay in dowladda Holland ay ka qayb-qaadan doonto dib u dhiska Soomaaliya. Wuxuuna sidoo kale sheegay in maanta Soomaaliya ay ka dhisan tahay dowladda rasmi ah oo lala jaan qaadi karo.

Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Dr. Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo isaguna ka warbixiyay muhimadda ay qurba-joogta Soomaaliyeed kaga qaybqaadan karaan dib u dhiska dalka, isagoo xusay in Soomaalida xirfadda leh ee ku nool dalalka reer galbeedka ay gacan weyn ka geysan karaan horumarinta dalka Soomaaliya gaar ahaan dhismaha maamulka iyo maareynta.

Sidoo kale, waxaana kulanka ka hadlay Maxamed Diini oo ah aqoon-yahan Soomaaliyeed oo ka yimid magaalada Columbus ee gobolka OHIO ee dalka Mareykanka isagoo si aad ah uga hadlay muhimadda ay leedahay wax-barashada.

Agaasimaha hay'adda Oxfam Novib, Farah Karimi oo ay xaruuntoodu tahay dalkan Holland ayaa ka warbixisay sida Soomaalida ku nool dibadda ay u kaalmeeyeen Soomaalida ku nool gudaha dalka intii ay socdeen colaadaha, isagoo sheegay inay lacago badan u marin jiray ehelladood gudaha ku nool shirkadaha xawaaladaha.

Waxay warbixin dheer ka bixisay sida xawaaladaha ay muhiimad gaar ah ugu leeyihiin ummadda Soomaaliyeed. iyadoo sheegtay inay ka hortagidoonaan bangiyada dalka Mareykanka oo xisaabihii ka xiray xawaaladaha Soomaaliyeed ee ka howl gala dalka Mareykanka.

Sidoo kale waxaa kulanka sawirro kusoo bandhigay farshaxamiistaha caanka ah ee Soomaaliyeed Amiin Caamir oo dadkii ku sugnaa halkaas aad uga qosliyay.

Maliik Maxmuud ayaa halkaas ka soo jeediyey majaajilo dadku ay aad ugu qosleen. Maliik waa majaajiliiste degen dalka Holland.

Waxaa shirkaa lagu soo gabagabeeyey Workshopyo lagu qabtay xaruunta shirka oo loo kala qaybiyey:

a)Socail Investement and the Diaspora, gender and sustainable economic growth, Institutional and civil socity capacity building and migration and development after 2015

Waxaa shirka soo gabagabeeyey agaasimaha hay'adda HIRDA Faaduma Faarax oo u mahadnaqday dhammaan dadkii ka soo qayb galay shirka.

Hashim Ducaale, Hiiraan Online
[email protected]
Utrecht, Netherlands