4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2013
Jaamacadaha SIMAD oo Muqdisho ku qabatay kulan lagu soo dhaweynayo Iskaashi ay la yeelatay Jaamacad ku taala Malaysiya

Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Munaasabad aad u ballaaraan oo lagu soo dhaweynayay arday baran doonto waxbarashada sare ee Master ayaa jaamacada SIMAD waxay maanta ku qabatay Hoteelka Sunrise ee magaalada Muqdisho.

Xafladdan oo ay kasoo qayb-galeen mas'uuliyiin jaamacadda SIMAD  ugu sarreysa iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay iyo ardayda ay u billaabanaysa waxbarshada sare iyo bahda saxaafadda.

Munaasabadda ayaa waxay ahayd mid lagu soo dhaweynnayay arday hadda billaabaysa dufcaddii afaraad ee baraneysa Master of Business  Administration ( MBA)  iyo dufcaddii koowaad oo baran doonto  Master of Project Management Degree (MPM).

Ugu horreyn waxaa halkaas ka hadalay madaxa daraasaadka sare ee jaamacada SIMAD, Inj. Maxamuud Maxamed Calasoow isagoo ardayda kala hadlay waxyaabaha laga doonayo iyo shuruudaha ay wax ku baran doonaan wuxuuna ardayday kula dardaarmay inay ka dhabeeyaan sii wadista waxbarashadan sare.

Sidoo kale, waxaa halkaas ka hadlay guddoomiye ku xigeenka jaamacadda SIMAD dhinaca hormarinta, Dahir Xasan Cabdi (Carab) oo isna ardayda u jeediyay guubaabo ku aaddan sida la doonayo in ay wax u bartaan, wuxuuna kula dardaarmay inay xoogga saaraan waxbarshada iminka ay galayaan oo noloshooda muhiim u ah.

Ugu dambeyn, waxaa xafladda soo xiray guddoomiyaha jaamacadda SIMAD, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo dardaaran gaar ah siiyay ardayda wuxuuna u sheegay inay dhawraan shuruucda ku aaddan waxbarashada jaamacadda SIMAD, sidoo kale guddoomiyaha jaamacadda SIMAD ayaa u mahadceliyay jaamacadda Open University Maleysia oo ay barnaamijkaan waxbarsheedka iska kaaashanayaan.

Gabagabadii xafladda ayaa qaarka tirsan ardayda baran doonto qeybahaan Master of Business Administration ( MBA) iyo Master of Project Management Degree (MPM) waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin in iminka ay u gudbaan qaybihii ugu dambeysay ee jaamacadda.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya