4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 16, 2013
Qaar kamid ah haweenka Soomaaliyeed oo kasoo horjeestay mooshinkii ay baarlamaanku ka keeneen xukuumada
M1350111.jpg

Thursday, May 16, 2013 (HOL) - Qaar kamid ah haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ka horyimid mooshinkii ay baarlamaanka keeneen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Haweenkan ayaa si kulul u weeraray xildhibaanada mooshinka wada, iyagoo ku tilmaamay inaysan fiirinayn danta qaranka oo ay ka doorbideen inay dalka qalalaaso siyaasadeed u galiyaan danahooda shaqsiga ah.

Faadumo Daahir oo kamid ahayd xildhibaanadii hore ee baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadashay shir ay isugu yimaadeen haweenkan ayaa ugu baaqday xildhibaanada inay wakhti siiyaan xukuumada.

"Xukuumadu lix bilood oo kaliya ayay jirtaa, waa in wakhti ay wax ku qabato oo lagula xisaabtamo la siiyaa" ayay tiri Faadumo Daahir.

Abwaanad Dhoofo Khaliif oo iyaduna goobtaas ka hadashay ayaa ku eedaysay xildhibaanada inaysan awood u lahayn inay xilka ka tuuraan xukuumada oo ay sheegtay inay tahay mid haysata kalsoonida shacabka.

"Xukuumadani wax yar bay joogtaa dalkana waxay u soo celisay aqoonsigii iyo sharafkii aynu caalamka ku lahayn, shacabkii annagaa ah, ma tuuri kartiin xukuumadayada" ayay tiri Dhoofo.

Haweenaydan ayay ku hanjabtay inay ku baaqi doonto dibadbaxyo ka dhaca dalka oo dhan hadii aan laga noqon mooshinka baarlamaanka.

M1350114.jpg

"Xildhibaanadu may dadka wax u qabtaan, mushaarkooda may wax ka siiyaan shacabka, waxay u taaganyihiin inay dowladii timaadaba qalalaaso ka dhex abuuraan" ayay raacisay.

Madiino Caamir oo iyaduna goobtaas ka hadashay ayaa ku tilmaantay mooshinka looga soo horjeedo xukuumada inuu yahay mid ku salaysan kala qaybinta ummada.

"Qabiil waan ka gudubnay mana doonayno in xildhibaanadu soo nooleeyaan, waxaan maqlay in jago nin laga qaaday ay mooshinka ka dambaysay, waxaan leenahay qabiil ma matashaan, qaranka ayaad matashaan ee u adeega shacabkiina" ayay tiri Madiina.

Shukri Maxamuud Afrax oo kulankaas ka hadashay ayaa iyaduna sheegtay in xukuumadaan ay ku tillaabsatay waxqabad dhab ah oo ah gudaha iyo dibadabada, iyadoo goobtaas ka akhriday waxqabadkii xukuumada intii ay jirtay.

Kulankaan oo ay haween badani ka hadleen ayaa gabdhihii soo qabanqaabiyay ay ku sheegeen inay ka qiiroodeen markay arkeen isqabqabsiga cusub ee la doonayo in la abuuro, iyagoo sheegay in arrintaas ay curyaamin karto, Soomaaliya oo markii ugu horreysay muddo ka badan 22 sano yeelatay dawlad rasmi ah oo caalamku aqoonsanyahay.

Waxaana kulanka haweenka Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi uu ku soo beegmay xilli xubno 80 gaaraya oo baarlamaanka ka tirsan ay shalay gudbiyeen mooshin ay ku doonayaan inay kalsoonida kagala noqdaan xukuumada uu hogaamiyo, Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon arrinkaasoo ay horay uga digtay dawlad goboleedka Puntland oo ku tilmaantay inuu horseedayo khilaaf cusub oo ka dhex aloosma madaxda dawlada federaalka ah.

M1350084.jpg
M1350099.jpg
M1350109.jpg
M1350094.jpg
M1350003.jpg
M1350054.jpg
M1350138.jpgM1350045.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya