4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 16, 2013
Dowladda Somalia oo Maamulladii Kismaayo looga dhawaaqay ku sheegtay kuwo lagu marin habaabinayo Shacabka Jubbooyinka
Khamiis, May 16, 2013 (HOL) — Dowladda Somalia oo warsaxaafadeed soo saartay maanta ayaa ku tilmaantay maamulka looga dhawaaqay Kismaayo inuu yahay mid lagu marin habaabinayo shacabka, isla markaana ah ka horimaanaya dastuurka.

Warasaxaafadeedka ayaa lagu yiri:

Iyadoo Ia llaalinayo dastuurka dalka ee qeexaya qaab-dhismeedka dowlad-goboleedyada dalka ee nidaamka federaaliga ah, lana dhowrayo geeddi-socodka dowladaynta ee uu qeexayo qodobka 49-aad ee dastuurka fedaraalaynta Soomaaliya.

Iyadoo lagu guda jiro dhamaystirka go’aankii dowladaha IGAD ee ka soo baxay shirkii Addis Ababa Maajo 03 ee lagu go’aansaday in guddi dhiiri-galin oo ka socda wadamamda IGAD loo diro Kismaayo.

Iyadoo la tixgalinayo rabitaanka rasmiga ah ee dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa gobollada Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe. Isla markaana laga taxadarayo xasiloonida iyo dib-u-xoreynta deegaannada weli gacanta ugu jira kooxaha Al-shabaab.

Dowladda faderaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay sida loo jaah-wareershay masiirka hoggaan ee shacabka Jubbooyinka iyo in Kismaayo looga dhawaaqo labo madaxweyne 15 Maajo 2013. Sidaas daraadeed dawladdu waxay caddeynaysaa inaysan suuro-gal u ahayn inay labo madaxweyne u aqoonsato maamulka Jubbaland.

Dowladdu waxay mar kale caddeynaysaa inay soo dhawaynayso dhismaha maamul goboleedyada ku yimaada qaabka sharciga waafaqsan kuna dhisan rabitaanka iyo midnimada shacabka deegaanka.

Dowladda Soomaaliya waxay xoojinaysaa hawsha guddiga labada gole ee loo xil-saray wada-xaajoodka iyo dib-u heshiisiinta Jubbooyinka. Waxayna maamulada degmooyinka, hogaamiyeyaasha dhaqanka iyo wax-garadka deegaanka ugu baaqaysaa inay si buuxda la shaqeeyaan gudigaas dowliga ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in la illaaliyo xasiloonida, lagana dheeraado wax kasta oo caqabad ku noqon kara amniga iyo dib-u xoreynta dalka, iyo in loo hogaansamo sharciga dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya