4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 16, 2013
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Meel-mariyay Qodobbo ay soo Gudbiyeen Wasaaradaha Cadaaladda iyo Arrimaha Gudaha
Khamiis, May 16, 2013 (HOL) — Shirkii golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ay maanta yeesheen ayaa lagu meel-mariyay qodobbo ay horay u soo gudbiyeen wasaaradaha cadaaladda iyo arrimaha gudaha, sida uu saxaafadda u sheegay wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Kulankan oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa inta badan looga hadlay qodobbada la ansixiyay, iyadoo sidoo kale lagu dhageystay warbixinno ku saabsan horumarrada ay gaartay xukuumadda.

Wasiirka warfaafinta, boostada, isgaariisnta iyo gaadiidka, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa ka saxaafadda siiyay faahfaahinta shirkii golaha wasiirrada xukuumaddu ay maanta yeesheen, isagoo sheegay in ugu horreyn warbixin dheer goluhu uu siiyay ra’iisul wasaare Saacid, sidoo kale in la ansixiyay illaa lix hindise sharciyeed oo ay soo gudbisay wasaaradda cadaaladda Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirka warfaafinta ayaa tilmaamay in la meel-mariyay hindise sharciyeed la xiriirra arrimaha dibadda Soomaaliya iyo sharciga la dagaallanka argagixisada oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, kuwaasoo la horgeyn doono baarlamaanka Soomaaliya si ay u oggoladaan.

Mudane Ciilmooge ayaa dhanka kale xusay in la isku raacay in dib loo howlgeliyo wakaaladda howlaha maraakiibta iyo wakaaladda dekedaha Soomaaliya, wuxuu intaa raaciyay inuu golaha wasiirrada uu warbixin ka siiyay guulihii laga gaaray saadaashada hawada Soomaaliya oo ay dhawaan maamulkeeda la wareegtay dowladda Soomaaliya.

Shirkii golaha wasiirrada ee maanta lagu meel-mariyay shan hidnise sharciyeed oo ay hay’adaha xukuumadda ku howlgali doonaan ayaa ahaa shirkii caadiga ahaa ee toddobaadlaha ahaa, iyadoo dhinaca kale ay jiraan arrimo la xiriirrada siyaasadda xukuumadda, sida mooshinno ay xukuumadda kasoo gudbiyeen xubnaha baarlamaanka qaarkooda, haddana waxaa bar-bar socda dadaallada horumarrinta adeegga laanta fulinta dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya