4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 16, 2013
Madaxweeynaha Soomaaliya oo Warqadaha Aqoonsiga ka Gudoomay Safiirka Cusub ee Dalka Koonfurta Kuuriya


Khamiis, 16 May, 2013(HOL) :-Madaxweeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee dowladda koonfurta Kuuriya ay usoo dirsatay Soomaaliya Mr. Kim Chan Woo.

Kulan ay labadani masuul ku yeesheen xarunta madaxtooyada magaalada Muqdisho ayay uga wadahadleen xiriirka labada dal iyo weliba sidii sare loogu qaadi lahaa wadashaqeynta dalalka Soomaaliya iyo koonfurta Kuuriya.

Ambassador Kim Chan Woo ayaa waraaqihiisa aqoonsiga ku wareejiyay madaxweeynaha, waxaana Madaxweeyne Xasan Sheekh uu ka gudoomay waraaqahaasi isagoona u ballanqaaday in dowladda ay la shaqeyn doonto.

Wasiirka kuxigeenka arimaha dibadda Soomaaliya Jamaal Max’ed Baroow oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda koonfurta Kuuriya ay dib usoo celisay xiriirkii ay la lahayd Soomaaliya mudo 22 sano kadib.

Safiirka cusub oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda koonfurta Kuuriya ay soo celineeyso xiriirkii ay la lahayd Soomaaliya, wuxuuna intaa ku daray in dowladiisu ay gacan ka geeysan doonto dib u dhiska Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleeysatay siyaasadda arimaha dibadda, iyadoona sidoo kale dowladdu ay horumar ka sameeysay dhinacyada nabadgelyada iyo weliba dowlad wanaagga, taasoo keentay in caalamua uu aqoonsi buuxa siiyo Soomaaliya, iyadoona magaalada Muqdisho dib looga furay inta badan safaaradihii ay ku lahaayeen dowladaha Caalamka, kuwaasoo mudo 20 sano ka badan aan wax safaarad ah ku lahayn Soomaaliya.

 

Max’ed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.