4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2013
Faahfaahin ku saabsan habka ay u dhacday doorashada madaxweeynaha Jubbaland {Sawirro]


Arbaco, 15 May, 2013(HOL) :- Waxaa maanta xarunta Jaamacadda Kismaayo ka dhacday doorashada madaxweeynenimo ee maamul goboleedka Jubbaland, waxaana doorashadani ku tartamayay ku dhawaad ilaa 3 Musharax oo u taagnaa xilka Madaxweeynenimo ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Goobta uu shirku ka dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa ilaa 500 oo ergo oo ahaa ergadii loogu talogalay in ay doorato madaxweeynaha, waxaana sidoo kale soo xaadiray Musharixiinta kala ah: Musharax Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe), Musharax  Max’ed Nuur Shambaar, Musharax Hilowle Aadan Muxumed.

Labadan musharax ee la tartameeysay Sheekh Axmed Madoobe ayaa inta aan codka la qaadin ka hor qudbado ay ka jeeediyeen goobta uu shirku ka dhacayay ka sheegay in ay u tanaasuleen Musharax Axmed Madoobe.

Gudoomiyihii Maamulka KMG ahaa Kismaayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbad dheer ka jeediyay goobtii ay doorashada ka dhaceeysay ayaa ballan qaaday in hadii la doorto uu dadka iyo dalka ugu shaqeeyn doono si cadaalad ah, isagoona ergada ka codsaday in ay codkooda siiyaan.

Intaas kadib ayaa waxaa bilaabatay codeynta oo ahayd hab gacan taag ah, waxaana Sheekh Axmed Madoobe codkooda siiyay ilaa 485 Musharax, waxaa ka aamustay Shan Musharax, waxaana diiday 10 Musharax, waxaana intaa kadib gudiga doorashada ay ku dhawaaqeen in Sheekh Axmed Madoobe uu ku guuleeystay madaxweeynenimada dowlad goboleedka Jubbaland.

Isla goobta ayaa waxaa ka dhacday dhaarintii madaxweeynaha, waxaana Sheekh Axmed Madoobe uu ku dhaartay in dalka iyo dadka uu ugu adeegi doono si daacad ah islamarkaasina waafaqsan shareecada Islaamka.

Arinta xusidda mudan ayaa ahayd in ay goobta ka maqnaayeen musharixiintii ugu cadcadaa ee iyagu doonayay in ay qabtaan xilka madaxtinimo ee dowlad goboleedka Jubbaland, kuwaasoo ay kamid yihiin Musharax Sheekh Max’ed Ibraahim Shakuul, Musharax Max'ed Cabdi Gaandi, Musharax Eng. Bashiir Axmed Max’ed, Musharax  Xildhibaan Max’uud Cali Magan kuwaasoo mudooyinkii ugu danbeeyay magaalada Kismaayo ka waday olole aad u ballaaran oo ay ugu jireen xilka madaxweeynenimo ee Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ayaa mar qura waxa isqabsatay rasaas ay furayeen taageerayaasha Sheekh Axmed Madoobe, waxaana wadooyinka waaweyn ee magaalada buuxdhaafiyay dadweeyne iyo gaadiid kuwa dagaalka ah oo u dabaaldegayay Madaxweeynaha cusub ee loo doortay Jubbaland.

Ku dhawaaqidda madaxweeynaha cusub ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa kusoo beegmeeysa xilli xukuumadda Soomaaliya ay maanta ku dhawaaqday guddi ka kooban 16 xubnood oo labada gole ka tirsan kuwaasoo la sheegay in ay ka shaqeyn doonaan arimaha Jubooyinka iyo sidii xal looga gaari lahaa.

 












Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.