Arbaco, May 15, 2013 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray gobolka Gedo tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen.
Dagaalkan ayaa qarxay markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen gaadiid ay wateen ciidammo iyo saraakiil ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo kasoo ambabaxay degmada Balad-xaawo kuna socda degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.
Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay ayaa haddana wararka laga helayo gobolka Gedo waxay sheegayaan in dagaalku uu billowday shalay gellinkii dambe uuna socday illaa xalay fiidkii.
Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil oo saxaafaddu ay wax ka weydiisay dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo, isagoo sheegay in weli ay jirto xiisad wax tira-koob ahna uusan hayn.
Al-shabaab ayaan iyaduna ka hadlin dagaalka, waxaana wararka laga helayo deegaannadii lagu dagaalamay ay sheegayaan inay weli xiisad weyn ka jirto jidka isku xira degmooyinka Baladxaawo iyo Garbahaarey.
Dagaalkan ayaa qayb ka noqonaya dagaallada gobolka Gedo ku dhexmara xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo dhinac walba uu isku dayayo inuu la wareego gacan ku haynta gobolka oo dhan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Dagaallo khasaare kala duwan geystay oo Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab ku dhexmaray Gobolka Gedo
More News
- Xildhibaanno Mooshin ka dhan ah Xukuumadda Soomaaliya u gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
- Midowga Yurub oo gudaha Soomaaliya u soo wareejiyay howshii lagu tababarayay ciidamada Dowladda Soomaaliya
- Faahfaahin ku saabsan habka ay u dhacday doorashada madaxweeynaha Jubbaland {Sawirro]
- Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo ku guuleeystay doorashada Madaxweeyninimada Dowlad goboleedka Jubbaland
- Kooxo hubeysan oo gudaha u galay Xarunta Shirkadda Dahabshiil ee Muqdisho iyo ciidamada Dowladda oo ku hareeraysan
- Ra'isul Wasaare Saacid oo Guddi u magacaabay Arimaha Jubooyinka
- Siyaasiyiin kasoo jeeda Jubooyinka oo ku xayiran garoonka diyaaradaha Kismaayo